Magacaygu Waa Holac! Hinda Jaamac

0
139
Haddaan Lays Dafirayn Magacaygu Waa Holac! Hinda Jaamac

Haddaan Lays Dafirayn Magacaygu Waa Holac! Hinda Jaamac Doolaal

Haddaan Lays Dafirayn Magacaygu Waa Holac! Hinda Jaamac

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Inan uu dhalay Kornayl Jaamac Doolaal oo lagu magacaabo Hinda ayaa tirisay gabay cusub oo ku sheegayso wuxuu yahay Mujaahidka dhalay ee kornayl doolaal iyo waxay tahay, Isla markaana Hinda Jaamac Doolaal ayaa gabaygan u tirisay Madaxweynaha xilliga gacanta ku haya masiirka shacabka reer somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hinda Jaamac Doolaal oo  gabaygan soo gaadhsiisay xafiiska  wararka ee Wakaalada Baraarugnews.net ku leedahay magaalada Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan:-

“Marka hore salaan guud

Socodkaygu waa hiil

Magacaygu waa holac

Hinda jaamac doolal

Haddaan lays dafirayn

Halyey weeye doolaal

Halow may maqlaysaa

Ninka soo hanbaabirey

Bartay maanta hadalkow

Halkaad joogtey maantii

Lays jaray halbowlaha

Cadowgaad hub qaadiyo

U ahayd hagoogoo

Markii lays hujuumee

Dhergey haadka duulaa

Burco iyo hargeysana

Lagu kala hagaagaad

Billadaabad huwatee

Iska soo hadaaftoo

Waa laguu hilmaamee

Hoy haysu dacarayn

Hadhacaad ku kibirtee

Hoog baanad weli arag

Hoobiyaan laguu nicin

Hadhkan aad ku nooshahay

Kuman baa u hoydoo

Ubad hooyo dihatiyo

Hilbihii lixlaa yaal

Waa loo halaagmoo

Hurdo nabad ma keentoo

Hanba baasta maahee

Doolaal habeenkii

Hunfigiyo abaaraha

Hal haleelka guuraha

Cadow daba hayaankii

Hadba weerar kiisii

Hawd mirashadiisii

Halisaha ninkii galay

Haadaan ninkii maray

Dhiigiisa hoorsaday

Dal u huray naftiisii

Halkii uu abaal rabey

Miyuu maanta haystaa

Hebel kaan ogsoonahay

Nin hoteel ku fiicani

Janan qoran hoggaankii

Iska haysan maayee

Raaraa heshiiyee

Ama waa laka hadhi

Ama hadal macquulaad

Soo hordhigi dad weynaha

(Abwaanad hinda jaamac doolaal, ayaa tirisay gabaygan cajiibka ah.

 

Email:-Baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here