Magacyada:-Guddi Cusub Oo Ka Duwan Xubnihii Hore Loogu Saari Jiray Inay Ka Garnaqaan Colaada Ka Dhex-aloosan Labada Beelood ee Dagaalku Ku Dhex-maray Ceel-afweyn &Naxdintii Xaashi Iyo Maxaa Qabsaday Kornayl Muuse?

0
1838

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u saaray guddi ka duwan xubnihii hore ee loo saari jiray colaada ka dhex-taagan labada beelood ee walaalaha ah oo dagaal la isu-adeegsaday hub oo sababay dhimasho iyo dhaawac tirro badan ku dhex-maray Deegaanka Ceel-afweyn, isla markaana labada beelood oo xilliyo kala duwan soo noqnoqday dagaalka dhex-maray labada beelood oo ku wada dhaqan Ceel-afweyn ayay xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Muuse Biixi u maaro wayday ama xal lagu kala qaboojiyo labada beelood keeni kari-wayday.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo u dhuun daloola aqalka Madaxtooyada Hargeysa, ayaa u xaqiijiyey wakaalada Baraarugnews.net xafiiskeeda wararka ee magaalada hargeysa, in Guddi ka madax-bannaan oo aaney ku jirin beelaha Isaaq, marka laga tago dhinaca shakhsiyaad magac weyn iyo sharaf ku dhex-leh shacabka reer Somaliland mooyee , aaney jirin xubno kale oo ka soo jeeda beelaha dagaalku ku dhexmaray Ceel-afweyn laga reebay. Xoghaa ayaa xusay in madaxda dhaqanka iyo xubnaha uu Madaxweyne Muuse Biixi u xulay u badan yihiin beelaha Darafyada ku dhaqan ee ka soo jeeda Beelaha ku dhuqan Gobolada Awdal, Sool Iyo Sanaag ee gudaha Somaliland.
Guddida Cusub ee loo saaray inay dhex-galaan oo ka garnaqaan arrinta iyo waxyaabaha isku hayaan labada beelood oo ka soo kala jeeda Baha-faarax oo ka soo jeeda Beesha Biciide iyo Idirays ee Sacad Yoonis oo ka soo jeeda Beesha Habaryoonis oo walaalaha ah dhawrka jeerna dagaal folka-fool ah ku dhexmaray Ceel-afweyn, ayaa magacyadoodu kala yihiin sidan. Guddoomiyaha Guddida loo saaray inay ka garnaqaan arrinka ay isku hayaan labada beelood waxa Guddoomiye u ah Guddida loo xulay Madaxweynihiii hore ee Somaliland Daahir Riyaale, Guddoomiye-kuxigeenka kowaad Prof Cali Khaliif Galaydh, Guddoomiyaha labaad ee Guddida Madaxweyne ku-xigeenkii hore Xasan Ciise Jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Guddida Madaxweyne ku-xigeenkii hore mujaahid Muj.C/raxman Tolwaa, iyo Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne, Halka Madax-dhaqmeedka la sheegay inay ku jiraan Garaado ka soo jeeda Beesha Dhulbaante iyo Salaadiin iyaguna ka soo jeeda beesha Sabaroonta ee Gobolka Awdal iyo Isimo beesha Warsan-gali ee Gobolka Sanaag ayaa la sheegay inay ka qayb yihiin xubnaha hogaaminaaya eryooyinka loo xulay inay soo afjaraan colaada ka dhex-aloosan labada beelood eek u dagaalamay Ceel-afweyn,Balse waxa la sheegay inay ka qayb yihiin xubno kale oo Madax-dhaqmeed iyo Odayaal Isugu jira oo ka soo jeeda beelaha Darafyada iyo beelaha kale ee aan aheyn beelaha kale ee Isaaq oo iyaguna ku dhaqan ama ka mid ah beelaha degan Somaliland oo ka qayb ah dadka loo xulay inay nabad ka dhex-dhaliyaan labada beelood oo ka garnaqaan waxyaabaha keenay dagaalada soo noqnoqday ama isku dilayaan, taasoo la doonayo inay isu-dhagaystaan labada beelood, goob joogna ka yihiin dhinacyada Salaadiinta iyo waxgaradka beelaha Habar-jeclo iyo Garxajis eek u abtirsadaan labada beelood ee ku dagaalamay deegaanka Ceel-afweyn beelaha kale eek u abtirsadaan oo dibadda ka joogaaya ama qayb ka aheyn isu-dhagaysiga ama ka garniqida waxyaabaha isku haystaan labada beelood.
Waxa kale, oo xogahaa tibaaxeen in madaxda dhaqanka iyo Odayaasha labada beelaha Habarjeclo iyo Garxajis goob joog ka noqonayaan dhinac walba marka arrinkeeda ama waxyaabaha ku andacoonayaan ay dhagaysanayso dhinac wal-ba xubnaha ka garnaqaaya waxyaabaha isku haystaan labada beelood.Isla markaana xogahaa ayaa hoosta ka xariiqay innaan la garanayn inay labada beelood ku qancaan ergada loo saaray, taasoo la tilmaamay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo qaar ka mid ah xubnaha Wasiiraddiisa oo ka mid yihiin Maxamed Kaahin iyo Xasan Gafaadhi ay ka shakisan yihiin inay Guddidaa loo xilsaaray fashiliyaan saro badan oo dhaawici karta hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, haddii lala xidhiidhiyo Muuse Biixi iyo xisbigiisa inay sabab u ahaayeen bilawgii dagaalka labada beelood ee Biciide iyo Sacad Yoonis, laakiin aqoon yahan iyo Culumada iyo Madax-dhaqmeed kala duwan ku qasbeen Madaxweyne Muuse Biixi innuu Guddi ka madax-bannaan beelaha Isaaq loo saaro beelaha ku dagaalamay Ceel-afweyn, laguna qasbay Muuse Biixi, oo aanu raali ka aheyn Guddi iyagu cidna u hamranayn ee runta ku xaquuqaaya ama runta sheegaaya badkana soo dhigaaya cidda ka dambaysay dagaalkii labada beelood ee dhimashada badan iyo dhaawaca sababay.
Sidoo kale, xogahaa ayaa sheegay in Guddida loo saaray arrinta labada beelood Wasiirkii hore ee Madaxtooyada ee xukuumaddii AXMED Siilaanyo Maxamuud xaashi Cabdi uu aad uga naxay Guddida loo saaray dagaalka labada beelood ee Ceel-afweyn, isla markaana xogahaa ayaa caddeeyay in Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno kale ay wadaan inay fashiliyaan Guddida la wado in arrintaa loo xil saaro, ayna dhinac socoto dedaalo la doonayo in lagu fashiliyo Guddida miisaanka culus ku leh bulshada dhex-deeda siday u soo afjaraan shakhaaqada iyo colaada ka dhex-aloosan Gobolka Sanaag,
Hase yeeshee, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi dad kala duwan oo talooyin u soo jeediyey, kulana taliyey innuu xubnahan ama Guddi ka soo jeeda beelaha Darafyada ee Isaaqa aheyn u saaro colaada labada beelood ee Ceel-afweyn, la qaatay, waxyaabaha uurkiisa ku qarsoon ama calooshiisa ugu dhex-qarsoon aan la garan Karin, laakiin uu la qaatay dadkii u soo jeediyey oo lahaa culumo iyo waxgarad tirro badan oo kula taliyey.
Xogahaa ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu xulay inay aq-balidoonaan iyo inay diidaan ama qaar ka mid ah ka cudur daaran sababa la xidhiidha arrimo u gaar ah iyaga xubanaha loo xulay colaada labada beelood marka laga tago uu Madaxweyne Muuse Biixi u xulay dagaalka labada boolood ka dhex-aloosan inay soo afjaraan xubnaha, lana filayo inay ka ambabaxaan todobaadyadan ama maalmaha fooda inagu soo haya oo ka tagi doonaan magaalada Hargeysa, arrinta labada beelood ayaa wakhti xaadirkan ku haya gacanta Madax-dhaqmeed ka soo jeeda Beelaha Awdal, halka Ciidamada la dhex-dhigayna aaney ku jirin beelaha Isaaq.Balse Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa xaqiiqda marka laga leexanayn in badana Warbaahintu faafisay ka hor intii aanay is dilin ka hor in Maxamuud Xaashi Cabdi markuu ahaa Wasiirka xukuumaddii Axmed Siilaanyo la faafiyey siro muuqaal dad laga duubay gaar ahaan beelaha is dilayo innuu doonayo innuu dagaal iyo nacayb ku dhex-abuuro bulshada ku dhaqan ceel-afweyn ee Habaryoonis bari iyo Beesha Biciide, muuqaalkaasna wuxuu ku jiraa qaybta Tv-ga Wakaalada Baraarug RADIO&Chenneal TV, laakiin Maxamuud Xaashi ayaa ku hawlan haddii xubno daacad ah galaan arrinka labada beelood innuu yidhaahdo I astura, dad badab oo reer Somaliland-na way og yihiin in Maxamuud Xaashi kow ka yahay siyaasiyiinta dagaalka labada beelood ka dambeeya ee Ceel-afweyn.
Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here