Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya maanta ka qayb gashay shirwaynaha haweenka Somaliland. Isla markaana qoraal kooban oo soo gaadhay xafiiska Iimeelka Baraarug ee Hargeysa ayaa u dhignaa sidan:-
“HARGAYSA {MESAF} 05/12/2018Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya Ku dheratay muhiimada haweenka Somaliland leeyahay iyo maraaxilkii kala duwana ay qaranka Somaliland laso mareen

Ila maalinkay Somaliland ka qaadatay xoriyada gumaystihii ingiriiska ila maanta oo ay dhinac walba oo nolosha ah kaw ka yihiin
Marwo Hinda aya madaxda qaranka u iftiimisay in maanta ay marag cad u tahay isku duubnida haweenka Somaliland
Saamiyo Ku haboona laga siiyo asxaabta qaranka ugana mahadnaqday madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland sida hagar la,aanta ah ee uu haweenka u barbar taaganyahay xustayna inu u kordhiyo xilalka
Dhanka kale Wasiir Hinda waxay ugu baaqday wasiirada dhigeeda ah inay wasaaradohoda ka dhex muuqdan haweenka aqoonyahanka ah ee dalka wax uso bartay
Marwo Hinda waxa Aad ugu mahadnaqday ururada haweenka Somaliland ee soo agaasimay shirwaynahan una sheegtay haweenku inay helayan inti diintoda iyo dhaqankooduba u ogolyahay
Wasiirka aya ugu danbayn uga mahadnaqday madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi Dadaalka iyo Gacanqabashada haweenka Somaliland oo Aanu marnaba ilawsanayn Doorka muuqda ee haween waynaha Somaliland
ALLA MAHADLEH
Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.netss
MIAL:-Caarshe7@hotmail.com