
Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Agaasimihii iska casilay Wasaaradda Qorshaynta ee Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, kana soo jeeda beesha Madaxweyne Muuse ee Sacad Muuse Prof-Abdi Ali Jaamac, ayaa qarxiyey sir ku saabsan innuu kornayl Muuse Biixi wado qorshe uu isku diraayo, madaxana isu-galinayo shacabka ka soo jeeda beelaha ku dhaqan dhamaan deegaanada Somaliland qaar ka mid ah.
Sidaa wuxuu ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray oo nuqul ka mid ah soo gaadhay xafiiska wararka ee Wakaalada Baraarugnews.net ee magaalada Hargeysa, waxaanuu u dhignaa sidan:- “Ku: Siyaasiyiinta Garxajiska iyo Reeraha Kale Ee Somalilanad; (very informal letter)
Og: Xubnaha Barlamaanka ee Daacadda Ah.
Subject: Devide and Rule, Not In My Name (Iska Beri Yeelid)
Qof Kasta Oo Iska Beri Yeelaya Siyaasadda Iska Hor-keenka Reeraha Walaalaha Ah, Waxan Ka Codsanayaa In Uu Taageero Soo Jeedintan.
Anigoo ogsoon in uu M/weynhu sharci u leeyahay soo magacaabidda golaha wasiirada; haddana waxa laga dheehan karaa siyaasadda uu rabo in uu ku hogaamiyo waddanka in ay tahay nooca siyaasadda Gumaysigu ku maamulo dal cadaw ah oo uu xoog ku qabsaday; marna siyaasaddan oo kale kuma dhaqanto cid lexejeclo ka leh dadkieeda iyo dalkeeda, oo loo soo doortay si dimuqraadi ah oo xor ah.
Markaan arkay Golaha uu soo dhisay M/weyne Biixi; markaan arkay dareenka diidmada ah ee ay ka bixiyeen dhammaan dadka Baraha Bulshada ku jiraa iyo kuwa suuqa jooga intuba, waxan qirayaa in ay xeeladdu tahay DEVIDE and RULE; haddaba waxan u soo jeedinayaa walaalaha in aynaan u nuglaan goljilicdaa layna qabanayo ee aynu meel uga soo wada jeesano la xisaabtanaka hoggaanka dalka iyo la dagaalanka siyaasadda gumaysiga sokeeyaha ah.
Haddii isagu awood sharci u leeyahay in uu soo magacaabo wasiirada, innaguna waxaynu awood u leenahay in aynu dabagalo oo intaynu beddelo mawduucan wasiirada iyo sida loo qaybsanayo oo ah ka la rabo in la innagu mashquuliyo ee aynu ku kala fogaano, waxaynu innaguna awood u leenahay innaga oo kaashanayna Barlamaankeena inta aan la laaluushi karin in aynu bilawno in aynu bilawno la xisaabtan sida xagguu maray dhaqaalihii waddanku, immisa sharci baa la jabiyay; immisa maamul xumo ayaa la sameeyay; xorriyada saxaafadda, xuquuqal insaanka; taasina waa ta keenaysa inuu qasab lagu soo dhiso dawlad waafaqsan dhaqan siyaasadeedka hufan ee lagu yaqaanay Somaliland; taasina waxay suuragalaysaa innaga oo aan kala qaybsamin oo aan kala biiqbiiqin; haddii aynu qabysanno isma caawin karno, ee ogaada.”Sidaa ayuu yidhi Agaasimihii Guud ee Wasaarada Qorsheynta Somaliland iska casilay ee xukuumadda Muuse Biixi Prof-Abdi Ali Jaamac
Office Hargeysa Baraarugnews.net Emial:-Caarshe7@hotmail.com