. Maxaa iga ilmaysiiya Qoraxdii Soo Baxdaba?W/Q: Amaal Maxamed Maxamuud Kastam.

0
76

Hargeysa(Baraarugnews.net)-“Aabbo maxaad hooyadday u soo lug goysay? Aabbo aniga maxaad iigu soo lug goysay nolosha adduunyadan qaracanka ah? Maxaad rafaadkan ii keenteen mise aniga ayaa kasbaday? Ma warwarkan iyo walaacan ayaad igu soo waday? Ma adiga ayaa sidan ii galay, mise aniga ayaa galabsaday? Maxaad noloshan iyo dar-xumadan ii keentay ee aad igala soo doontay? Ma waxaad ii keentay uunkan innaan ka hadho qayrkay? Maxaa iigu wacan inaan ifka murugo iyo ciil ku noolaado? Ma adiga ayaa ay naftaydu ku eersan ,mise Aabo aniga ayaa sidan isu-galay? Ma adiga ayaa sidan ii duleeyay ,mise aniga ayaa naftayda godka madow ku riday? Ma adiga ayaa hoolifta iyo darxumadan aan ku noolahay sabab u ah, mise wakhtiga ayaa Aabo sidan kaa dhigay? Ma adiga ayaa iga dhigay agoon, mise qaxarka nololosha adduunyadda? Ma adiga ayaa gaajada, arad la’aanta iyo uskaga ka muuqda oogada dushayda sababteeda leh? Ma danbi ayaan kaa galay Aabbo? Miyaanaan aheyn dhibicdaadii aad hawshii adkayd u soo martay? Ma wakhtiga ayaa sidan iigu wacan?.

Akhristayaal waxaan qalinka u qaatay, aniga oo in dhawayd hawada ka maqnaa inaan idinku soo gudbiyo sheeko murugo iyo xaalad nolol adag ku ladhan oo laga yaabo in dad badan oo ka mid ah dhalinta u soo kacaysa ummadda Soomaaliyeed in ay haysato. Hodan waa inan ka mid ah gashaatimooyinka Soomaalida oo ay iska dhaleen Aabo iyo Hooyo ka mid ah ummadda isku diirka ah, kuna hadasha afka soomaaliga ah, waa hablaha da’ahaan u dhaxeeya 10-15 ee xilliga korniinka ku Jira ee mid walba waalidkii uu si wacan ula soo kifaaxay noloshiisa.

Bilowga nolosha bini’aadanka markuu Ilaahay keeno dhulka guudkiisa waxay soo martaa jid dheer iyo mar xalado kala duwan, kala gadisan oo mid walba qurus ama rubaca illaahay ugu talo galay ayuu helaa, Balse Hodan waa mid nolosheedu ka duwan ta ay haystaan hablaha isku da’da yihiin ee dariskooda ah, ee isku magaalada ku nool yihiin. Waa mid jirta in dadku nolosha ku kala duwanaado, waa ma dhacdo in si isku mid ah dhamaan dadku u wada noolaado, hasa yeeshee waxa jirta in waddooyinka nolosha qof kasta oo ku nool adduunyadan dhulka guudkiisa wuxuu qaadaa waddo ka duwan dhabihii noloshaada iyo meeris ka qadhaadh noloshii labadaada waalid kuu diyaariyeen, waxaad haysato iyo barwaaqo afkana kula jirto tuubo malab ah, dharagna aad batorinayso, laakiin kala midabka nolosha barta kaliya ah, ayaa mid adiga oo kale ah, Aabo iyo Hooyo wadda dhaleen ayaa ku jira nolol gaajo, hoy la’aan iyo daryeel la’aana.

Hodan waa inan hablaha soomaalida ah oo da’ahaan dhawr iyo toban jir ah, laakiin nolosheedu waa mid ka duwan hablaha ay isleeg yihiin ee ku nool halkay joogto, waa mid muuqaalka nolosheedu ka duwan yahay oo xaalada adag ee ay la tiicayso ayaa kali ka dhigtay . Hablaha qayrkeeda ah, koox koox ayey u wada socdaan, waxay ku qul-qulayaan dhabaha iftiinka nolosha oo waxay gucle ugu jiraan barashada aqoonta, iskuul iyo barashada quraanka, Waxay ku laafyoonayaan moobilo qurux badan, shandada gacanta lagu qaato, quruxda midabada dharkooda iyo labeenta bilicsan ee ka muuqda wajigooda iyo farxada wakhtigu siiyey ee ay ku jiraan ayey subaxii Illaahay keenaba indhaha la raacdaa Hodan, iyadana noloshaasi waxay ku keentaa oohin iyo in ilmada ka soo dareertaa ay dhabanadeeda qoyso.

Hodan, iyadoo 10 jir ah ayey geeriyootay hooyadeed macaan oo intii hore la soo kifaaxaysay nolosheeda, markii Hooyadeed macaan Alle ka qaaday, Aabbaheed oo aan nolosheeda wax yarna tarin wuxuu u geeyay gabadh kale oo uu qabay. Gabadhii Aabbaheed qabay ee Aayadeed waxay kala kulantay garaac, canaan iyo cadaadis joogta ah oo wax yar oo naxariis bini’aadanimo ah kalamay kulmin, waxaana u dheeraa degaal iyo in habeenkii casho la’aan ay ku seexato. Ma aragto Aabbaheed, habeenkii guuro ayuu ku yimadaa, maalintiina wuxuu kacaa isagoo qaadiroonaaya oo hiif iyo cadho jiq ah.

Islaantiisa ayaa dirqi kaga badbaada inuu gacan saaro, laakiin Hodan waa ilma yar oo silic iyo saxariir ku nool oo mar kasta ooyeysa. Hodan waxay bulshadii ay ku dhex-nooleed kala kulantay midab ta koor, waxa waayaha adag ee kaliga ka dhigay dantu ku qasabtay inay ku biirto koox, kuwa wakhti isku midka ka dhigay ee hablaha darbi-jiifka ah ee ku nool magaaladdii ay joogtay, isla markaana hoygooduna wuxuu ahaa doox mara badhtamaha magaalada iyo guryaha bakhaarada suuqa hoostooda ay seexan jireen, marka diigu ciyo ee daakiraada ayey ka boodi jireen dheelka jiingada ka soo daadanaaya iyo qobowga dhaacaya maaha mid ay dareemayaan ee mid oogada dushoodu la qabsatay weeye, waxaana u dheer hadimooyinka iyo jugta kale ee ay u gaystaan Inamo iyo ragga suuq-jooga ah ee qaadka cuna ee dib-jirka ah ayaa ah dhibaatooyinka kale ee nolosha aduunyada kala kulantay, halka Adeerkeed oo bakhaar ku haystay markii ay gargaar u raadsatayna uu ku yidhi Aabahaa soo kaa nool ee xooga leh, orad oo isaga u tag.,Wax Habar-yar ahna may laheyn. Ka dib markii ay ka carartay gurigii gabadhii Aabbaheed qabay ee ay u adkaysan wayday noloshii garaaca aheyd waxay yeelatay saaxiib noloshu ku wada tuurtay hoyga darbi-jiifka iyo maalintiina wada raadsadaan inay helaan hambada huteelada, marka dambena u foof taga goobta qashinka lagu qubo ee dooxa, isla markaana waxay gashay jaamacada cusub ee saaxiibadeed hablo iyo inamada wada dhigtaan ee cabitaanka xabagta. Xilligii aan si kadis ah Hodan ula kulmay muuqaalkeeda oogada dusha nolosheeda ayaa ahaa mid wakhtiga, waayaha adag ee nolosha adduunyada la rafaadsan.

Saanta ayay jiidaysay tamar la’aan darteed, socod dheerna way soo gashay oo lugteeda ay adeegsanaysay, awood la’aanta haysa darteed lugteeda ayay qaadi kari la’ayd, waxayna raadinaysay meel ay kula eerato nafta lagu soo lugooyey adduunkan, waxay hagoogan tahay dhar dhinac walba ka goo’ga’an oo siday irbad iyo dun ugu tolaysay meel walba karan, hadana daldaloola oo idlaaday. Waxay xidhan tahay laba kabood oo dacasa oo iyaguna dhamaaday, indhashana ay bac ku xidhay markii ay kala go’een, waxay jiidaysaa bac uskag darteed casaatay oo dusha u saaran, wajigeedana duruufo nololeed iyo quus ayaa ka muuqda, ma kala jecla geeri iyo nolol, hadana waxay dadaal ugu jirtaa inay gaadho meel dad joogo iyo inay hesho wax cunto hambo ah siiya, markay soo gaadhay goobtay rabtay hoos bay in cabaar ah u foorartay si ay wax u qarsato ama aanay uga muuqan diifta iyo haraadka ay gidaarada habeen iyo maalin kula dhacaysay, intaasna anigu iyada ayaan eegmo ugu maqnaa, mardambe ayay aayar madaxa kor ugu soo qaaday markaasay aragtay in indhahaygu ku maqanyihiin iyada, ilmadii indhaheeda ka qubanaysay oo afkeeda sidii biyo roobaad uga qulqulaysay ayay xagayga u soo jeesatay, waxa ay gacanta sidaa afka iyadoo galinaysa igu tidhi ” wax aan cuno I sii”.

Hodan waxa wakhtigu ka dhigay mid aan kala jeclayn geeri iyo nolol oo aan qabiilna ku abtirsan, kuwa ay isku haybta yihiina uguma jiraan liiska hablaha beeshooda, halka iyaguna reer hebel ku foogan yihiin, ma wakhtiga haysta ayaa ka saaray qoyskii iyo qabiilkii ay ka soo jeeday!, balse buulasha maqaaxiyaha foosha xun ee raggu ku qayilaan ee suuqa waxay aragtaa mid ay moodayso kii ugu khatarsanaa, uguna fiicnaa dood adag oo xisbi hebel ku qaylinaaya, halka hiif iyo arxan daro kala kulmaan hodan iyo saaxiibadeed, iyagoo huteelada hanbada u doontaan si ay ugu badbaadiyaan naftooda kala kulma uskag lagu saydhiyo mararka qaar.

Hodan Aabo iyo Hooyo iyo ehel midna ma haysato waxay ku nooshahay gidaar ku yaal magaalada qarsoon, isla markaana nolosha adag waxa u sii dheer midab ta koorka ay kala kulantay bulshaddii ku dhex-nooleed, waxaanay aamisan tahay inay ka mid aheyn iyaga, mana hesho daryeel caafimaad, iyaguna olole boqolaal doolar iyo horumar ayey ka fekeraan iyaduna waxay la daalo dhacaysaa nolosha Aabbo iyo Hooyo la’aanta ah ee murugada iyo oohinta ah. Wakhtiguna wuxuu ka dhigay mid aan kala jeclayn geeri iyo nolol.

Noloshaa ayaa murugiyo ,farxad ama macaan uun Ku dul wareegta labadaa. Mid ayaa Sabool ah, midna waaba Taajiri! Hodan waxay ka rajo beeshay nolosha nafteeda oo waxay u aragtaa ama ka aamisan tahay inay dhibaato ku hayso naftuba oo wax rajo ah uma muuqato, taasoo ay is waydiinayso cidda dambiga ka gashay inay tahay madaxdii dalkeeda, dawladdeedii.

Diihaalkan raagiyo,

Daan-daanka aan nahay,

Dubbayaashan nagu dhacay,

Duunyadan dhamaatiyo,

Dalaggaan idlaadiyo,

Harga cuna Dirkeedii,

Dawakhaad inay tahay!!

Erayo ka mid ah Maansaddii Dawakh Iyo Dareen.

Waxa qortay sheekadda murugada xabaarsan

WQ :- Amaal Maxamed Maxamuud Kastam.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here