Maxaa Ka Jira In Qaar Ka mid Ah Shaqaalahii Hayada Dhawristu Aanay Mudo Qaadan Mushaharkii Ay Xaqa u Lahaayeen.

0
474

Hargaysa(Baraarugnews) Khilaaf Aan Dhamaan oo soo Noqnoqda una dhexeeya Gudoomiyaha Hayada Dhawrista Tayada Somaliland Muuse Xasan Yuusuf iyo Agaasimayaasha Waaxyaha hayadaasi ayaa Cirka kusii Shareeray Dhididkii  iyo Xaqoodii Qaranku siiyay qaar ka mid ah Shaqaalaha Hayadaasi oo Meehanaabaya Suuqyada Magaalada Hargaysa

Warar Xogogaal Ah oo Soo gaadhaya Warbaahinta ayaa Xaqiijiyay In Aanay Mudo Dhowr bilood ah Haba yaraatee u Xaadirin Wax Mushahar ah Shaqaalaha Ka hawl gala Xafiiska Hayada Dhawrista Tayada.

Shaqaalaha ayaa U Cadilan Khilaaf iyo Awoodo Is barbar yaacaya oo Aafeeyey Mushaharkii Shaqaalaha oo Loo kala Saaray Baando Baando iyo Koox koox Taasi oo Ragaadisay Hawl Maalmeedkii Ay hayadaasi ugu xilsaarnayd Qaranka Waxaana ay arintani ku eedeeyeen Maamulka guud ee Hayadaasi Oo la sheegay inay Xidid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo

Markii ugu horeysay ee La Magcaabo Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa Khilaaf balaadhan ka bilaabay Xafiiska Waxaana ay isku dhaceen Agaasimaha Guud ee Hayadaasi Maxamed geedi caynaashe Oo Markii danbe is hayntooda La isla Gaadhay Madaxtooyada oo U Garqaaday

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Hayada Dhawrista tayada ee Ka hawlgala xafiiska Hargaysa ayaa Ku eedeeyey Gudoomiyaha Inaanu Cadaalad U Kala Saarin Shaqalaaha Waxaana uu sidoo kale amaro dul Dhigay Dhamaanba agaasimayaasha Waaxyaha iyo shaqaalaha Qaarkood Waxaana halkaasi ka Bilaabmay In La Kala Yaaco oo Qaarkood Musharkoodii la isku Cuno Duubay Shaqaale kalena Loo Diray Shaqo Joojin Iyo Hagardaamooyin kale

Si Kastaba Ha ahaatee Qaar ka mid ah Shaqaalaha Ayaan Haba Yaraatee ilaa 6 Bilood qaadan Wax Mushahar ah kaasi oo ay xaqa u lahaayeen Arintanina Maaha Mid ay Wax kala Socoto hayada Shaqaalaha Dawlada oo Masuulka Hogaamiya Lagu Beegsado cadaalad Iyo Sinaan waxaana ay fariin u direen Sharmarke geele oo ay ka codsadeen inuu soo fara Geliyo Dulmiga uu ku hayo Gudoomiyaha Hayada Dhawrista tayada Muuse Xasan Maadaama Qaarkood Loo Diray Gobolo Kale Iyagoo Jaamacado ka Dhigta Hargaysa oo ay ka shaqeeyaan taasi oo ah Mid Aan cadaalada Waafaqsanayn iyo Xuquuqda Shaqaalaha

Wararka aan helayno ayaa Dhanka kale Tibaaxaya Inaanay Gebi ahaanba Shaqayn Masuuliyiinta Kala ah Agaasimaha Guud ee Hayadaasi Maxamed Geedi Caynaashe Iyo Gudoomiye ku xigeenka hayadaasi oo isna lagu Magcaabo Amaal Cabdi Xasan Ka dib Markii uu Masuulkani Isku Cuno Duubay Dhamaanba Awoodihii Shaqada isla markaana Ka hor istaagay Maamul daadejin taasi oo ka bilaabmaysa Tan iyo xiligii lasoo Magcaabay Waxaana la sheegay inuu Isku Halaynayo Maadaama uu Seedi u Ahaa Siilaanyo isla Markaana Lagu Sii Balamiyay Muuse Biixi Inuu Wiilkaasi Sodoga Uu u Yahay Siilaanyo lagu Faro gelin Karin Hayadiisa isla markaana uu Siduu Doono ka yeelo.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here