Maxaa Kala Qabsaday Dhalinyaradii  Habeenimada ku Cawaynaysay Magaalada Laascaanood Iyo Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha Somaliland?

0
561

Dhalinyarada Degmada Talleex, Goboladda Sool Iyo Xaysimo Maxay Ku Sifeeyeen Qof Noo Ceeya  Shakhsiyada Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) .

Laascaanood,(Baraarugnews.net)- Inta Badan Dadku Ma Xasuustaan Wixii La Soo Dhaafay, Haddii Aan La Qorin Oo Aan La Diiwaangelin, Dabadeedna Aan Diiwaanka Laga Baadhin Xaalad Kasta Oo Timaadda Wakhtiga Lagu Jiro. Mar Haddii Aanu Jirin Diiwaan Dib Loo Raaco, Waxa Yaraata Fahamka Xaaladaha Murugsan Ee Had Iyo Jeer Inala Soo Gudboonaada. Akhristayaal Warbixintan Waxaynu Ku Eegaynaa In Yar Xasuusta Waxa Aan Ku Koobi Doonaa  Dhacdo la yaab ah oo dhex-martay Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle), .Iyo Dhalinyarada  magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Maxaa Kala Qabsaday Dhalinyaradii goorta habeenka ah ku cawaynaysay gudaha magaalada Laascaanood Iyo Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha Somaliland Sharmaake Geelle?

Dhalinyarada Degmada Talleex, Goboladda Sool Iyo Xaysimo Waligood Ma arkeen Guddoomiye ka socda Ha’yadda shaqaalaha Somaliland?

Dharaartu waa  maalin  aroor hore  ah oo Axada ah,  sannadku waa 2018-ka.goobtu waa magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ,waxaanu ku sugan nahay magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood. waxa subaxaa ka bilaamay magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood Hay’adda Shaqaalaha Dawladda  Somaliland, ayaa si rasmi ah u daah-furtay bilawga   tiro koobka  ee diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Sool, taasoo sidaad dhawaan warbaahinta ka daalacanayseen inay bilawgii sannadkan 2018-ka mudo 70-ka maalmood ku soo diwaangeliyeen guud ahaan  shaqaalaha Dalka Somaliland madaxda iyo hawl-wadeenada ha’yadda shaqaalaha Somaliland ay munaasibad weyn oo lagu qabtay  magaalada Hargeysa ku soo bandhigeen inay soo qatimeen shaqadii boqoolida iyo guura galka maalin iyo habeen aheyd ku soo qatimeen tiro koobka madax-taabashada shaqaalaha ka hawl-gala hayaddaha kala duwan ee Somaliland .

Goortii lagu dhawaaqayey goor hore ayaa ka soo jarmaaday oo aan ka soo baxay subaxii xaafadayda wakhti hore ayaan  u soo kicitimay dhinaca suuqa ay kaga taalo xarunta Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha iyo hawl-wadeenada diwaan-gelinayey tirokoobka madax-taabadka shaqaalaha dawladda ee Gobolka Sool goobta lagaga dhawaaqayey ee ay ku sugnaayeen ayaan  u soo jahaystay. In aad la kulanto qof muhiim ama aad arin naftaadu xalay oo dhan la baaxad degaysay oo kol-ba markaad dhinac isu-rogto maskaxaada ka dhex-guuxaysa jawaabaha ay bixinayso su’aalaha is waydiinayso, haddana iyadu isu-jawaabayso, igana qastay hurdadii aan naftaydu doonaysay inaan lac idhaahdo furaashkiii  yaraa ee aan dhigtay, go’yarna  aan  dusha ka saaray ayaan habeenkii oo dhan sidaan u rafanayey duduubay waaba ka dulqaaday furaashkii-yaraa, siddii neef la bireeyay oo kale sidaan u rafanayey. Waxa sawirka marxaladii aan ku jiray lay moodayey  qof cirkaa murqaan maraaya oo kale. waxa shidaaya naftayda oo sidii qof jaad ka dhergay samadaa tirinaaya iga dhigay war fiidnimadii labadayda dhegood ka soo buuxsamay iyo dhacda la yaab aheyd oo aan kala kulmay goobta ugu weyn ee  dhalinyarada kala duwan ee magaalada Laascaanood habeenkii  fiidka hore ku cawayso,kagana faaloodaan waxyaabaha maalintaa ku cusub ama ku soo kordha Gobolkooda Sool, Somaliland iyo guud ahaan-caalamka kala duwan ee aduunyada guud-geeda iyo kuwa ciyaaraha iyaguna aadka ugu hirdama dhinaca muranka, lana moodo kooxahii Yurub ee iyagu garoonada ku bada cagta ku wada ciyarayey kubada cagta . Laakiin habeenkaa oo Sabtina namacasalaamaynaysay, Axadna soo galay suuqyada iyo fagaarayeyaasha dhalinyarada ku dhaqan gudaha magaalada Laascaanood warkii ugu weynaa ee ay ku hayeen Miisi iyo Kirisnaa Roonaadihii shaaha ku cabijireen habeenadii hore maaha waa xaalad ka duwan waxyaabihii hore ee doodoodu ku salaysnayd. Caawa shaasha waxa lagu cabayaa , intay laba laba u wada faqeen, afkana isa-saareen  hadal faq-hoose ah, markii dambena dood cirkaa isku shareertay oo dhawaaqa qaylada iyo reenka hadalka  noqotay guutooyin ciidan ah madashii isu-badeshay  waxa la isku boobay su’aalo weerar iyo jawaab celin ah oo is waydaarsadeen sida laba ciidan oo dagaal iskaga hor yimi dabadeed rasaasta is waydaarsaday oo kale ayay dhalinyaradii fadhiday goobta madasha balaadhan aheyd ee magaalada Laascaanood  ka dhex-qarxay. “Waar hebelow caawa miyaad og tahay waxa magaalada soo galay (Laascaanood) miyaydaan la socon-ba?

Halka kuwii kalena mar qudha ugu wada jawaabeen, iyagoo dareen degdeg ah mar qudha dhegta u soo wada jeediyey ateenkii dhinaca Yuusuf, iyagoo markiina ugu jawaabay maya , maxaa  dhacay ku?

YuusufKii warka guuraysiinayey u eeg dhiilada ayaa jawaab degdeg ah ku soo tuuray  mar kale madashii aanu fadhinay ee Laascaanood. Kuye Waar miyaydaan Ogayn in Guddoomiyihii ha’yadda shaqaalaha  Dawladda Somaliland Sharmaake Geelle iyo rag kale la socdaa caawa joogaan oo yimaadeen galabta caawa aku soo hoyden magaaladeena laacsaanood?  Qaar naga mid ahaa ayaa mar qudha u soo wada jeestay dhinaciisii dabadeed hadal degdeg ah ugu jawabaay Yuusuf. Waar naga tag waxaanu is laheyn wax-baa dhacay.  maya  saaxiib  ma ogin ee maxay wadeen? Halka qaar kalena ku jawaabeen waligayaba maanu maqal Guddoomiye ha’yad shaqaalaha u qaabilsan dawladda Somaliland.”sidaa markay ku jawaabeen qaar naga  mid ahaa dhalinyaradii aanu saaxiibka aheyn oo aanu ku wada cawaynaynay goob ku taal suuqa Gudaha Laascaanood.

Xamse Siciid, Khadar  Nuux, Cabdi Aadan iyo rag kale oo ka mid ahaa dhalinyaradii saaxiibaday ahaa, kuna soo koobi Karin magacyadooda halkan, garbahayga fadhiyey ayaa ku jawaabay hadalo daacad iyaga ka aheyd oo mar qudha dareenkii madasha cawayska degdeg  mar kale u badeshay  ayaa is wada raaciyey. “Waar kuwan caawa miyey indho beeleen, mise jaad ayey cuneen oo way murqaansan yihiin maxaa ka siya.? Ma Wasiirkii Biyaha Cali Koore, waxbarashada Faratoon, Wasiirkii Arrimaha gudaha Kaahin, mise Wasiiraddii xukuumadda Muuse Biixi waligood halkan Laascaanood iman jiray  ayaad ha’yad samafal oo wax caawisa idiin-la eekaatay.? Waligay maan maqal Guddoomiye ha’yad shaqaalaha Somaliland oo la yidhaahdo ama ka socota.  Halka kuwa kalena oo naga mid ah ayaa yidhi waar miyeydaan arrag imika inan dhalin yare ah oo Sharmaake Geelle la yidhaahdo ayaa Guddoomiye ka ah oo magaceeda iyo inay ka dhex muuqato Somaliland-ba isaga ayaa wax ka dhigay halkana yimi oo waxyaabo badan iyo shaqooyin badana oo fursado ah ka hirgaliyey Sool iyo Gobolada bariga. Barigii hore maynaan maqli jirin ee dhawaan ayaa la sameeyay waana Guddoomiyihii ugu horeeyay ayaan u malaynayaa Sharmaake Geelle.” Erayadaa iyo qaar kale ayaa ka soo yeedhay rag badan oo saaxiibaday ahaa.

Mar dambe ayaa mid ka mid ah dhalinyaradii goobta ku cawaynaysay ee dood adag gondaha isku daray cirkaana isku shareertay  laguna magacaabo Axmed oo naga mid  ahaa ayaa intuu garabka iga taabtay, mar qudhana na soo wada jeediyey na waydiiyey su’aal u dhacaysay Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha Somaliland Sharmaake Geelle wuu inala fadhiyaa goobtan ee car waa ninka soo saara ama garta sharad ayaa iga yaala ku yidhi dhalinyaradii  aadka ugu murmaayey.

Inkastoo aan qoraalkan la  habsaamay h, arrimo xagay ah awood oo aan ka mashquulay innaan xilligeedii soo gudbiyo aheyd maanta  ayuu wakhtigu ii saaciday innaan idinla wadaago. Xasuustii lama ilaawaanka aheyd ee mahadhada igu reebtay aniga, iyo dhalinyaradii tirade badnayd oo saaxiibaday ahaa lagana yaabo inay maskaxdooda ka dhex guuxayso ilaa hadda , balse aniga iyo dhalinyaradii saaxiibaday cawayskii habeenimadaa ee magaalada Laascaanood maxaa naga qabsaday oo goobtii ku taalay Laaska iyo siddii Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha Somaliland Sharmaake Geelle nooga gashaday, nagana dhex-toosay waxay aheyd mid naxdin iyo afariir aan lagu sharixi-karin ama lagu muujin Karin sawirkeeda wixii goobtaa ka dhacay habeenkaa.

waxa markiiba dhalinyaradii goobta ku cawaynaysay ku gadaamay dareeno iyo shucuur farabadan oo saamayn toos ah iyo mid dadban-ba ku yeelatay ninkii ay hadal hayeen ama xamanayeen oo dhex-fadhiya (Guddoomiye Sharmaake Geelle),, lana sheekaysanaaya, siduu doono hadalkoodii xanta ahaa ha u dhaceen, xaalku sidee ayuu noqday?

Haddii aan is dultaago hadalkii dareenka fiican, iftiinka nolosha, iyo erayadii aan ka guntay wax badana iga badelay noloshaydii aheyd waxba mayalaan dalka somaliland, lagana yaabo in dhalinyaradii saaxiibadayna ila wada qabeen is badelka ku yimi hal ilbidhiqsi in ka yar ee dalkoodii ka niyad jabsanaayeen shucuurtoodii iyo wixii ay maskaxda ku hayeen ka maydhantay, isla markaana hadalkii Guddoomiye sharmaake Geelle ku gunaanaday in yar haddii aan ka xuso cawayska iyo dardaarankii uu nagu macasalaameeyay habeenkii xasuusta lahaa kana duwanaa cawayskii habeenadii kale ee badnaa goobtan ku qaadan jirnay oo ahayd khudbad kooban oo ka nawd gareeyay hadalkiisii sidan:-“ Dhallinyaraddeenna maanta iyo waliba Gobolka Laascaanood iyo inta kale ee idinku xeeran oo maanta idinku ka nolol fiican tihiin kuwii la doonayey inay is badel iyo horumar ku sameeyaan bulshadooda loo baahan yahay waa idinka ee wax u bartay, sida reer guuraageena, xoolihiina ka madheen, Soolna ka mid tahay meelaha xoolaha lagu dhaqo waa sidee noloshoodu maanta iyo markaad is barbar dhigtaan tiina dhalinyarada Laascaanood.? Dhalinyarada waxa la soo darsay walaac baddan oo shaqo la’aaneed  kuwaas oo niyad jab badan ku riday, taasinna maaha qofka shaqo doonka ah waxa looga baahan yahay samir dheer, dedaal iyo inaanad ku niyad jabin dalka shaqo ma jirto, inaad shaqo heshaa waxay ku xidhan tahay  adiga iyo dedaalkaaga aan seexadka lahayn ee halganka nolosha ugu jiraan wadamada loo haqal taago Yurub iyo Maraykan Jiilashii inaka oo kale ahaa ayaa halkaa gaadhsiiyey, inakuna miyaan loo baahnayn inaynu halkaas oo kale gaadhsiino ummaddeena reer SOmaliland. Xidhiidhka Alle iyo cabsida Alle oo la badiyo, baryadda alle oo markasta la joogteeyo  bilaw, illaa dhammaadka waa guusha nolosha ee ifka iyo aakhiraba afacaysa nolosha.

maanta wakhtigan dalka somaliland maxaa ugu wacan iska fadhiga dhalinyarada ama sabab u ah ayaynu is waydiinnaynaa? Weedhahaa iyo qaar kale ayaa ka mid ahaa dardaarankii gubaabadii Guddoomiye sharmaake habeenkaa nasiiyey, taasoo guulo aan gaadhay immika isaga ayaa igu dhaliyey talaabadii aan qaaday wakhtigaa hadalkii iyo taladii fiicnayd ee uu nasiiyey aniga iyo qaar kale oo saaxiibaday ahaa oo wada niyad jabsanayn markii hore.

Runtii Dhalinyarada ama shacabka Gobolka Sool iyo deegaanada Tukaraq ilaa Taleex waa markii ugu horaysay ee aanu arragno Guddoomiye ha’yadda shaqaalaha Somaliland Sharmaake Geelle ayaa noogu horeeyay, waligood may iman ama wax xidhiidh ah lamay laheyn Guddoomiyeyaashii ka horeeyay Sharmaake Geelle, ilaa kuwii xukuumaddii Kulmiye ee madaxweynihii ka horeeyay Muuse Biixi ee axmed siilaanyo hayey xilka Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha wax muuqda oo la taaban karo ama la sheego kuna xasuustaan Gobolada Bariga Somaliland ee Sool iyo Xaysimo ma jirto.

In aad la kulanto qof muhiim ama astaan hogaamiyeed leh aad arin uga bahato,waxay ku xidhan tahay had-ba qofka aad u bahan tahay inaad la kulanto.wasiir , ,siyaasi caan ah ama aqoon yahan,had-ba kuu doono hanoqdee ,waxay ku xidhan tahay shakhsiyadda qofkaa noocay ay tahay.ma mid kibir iyo is weynaysiin badan,baa, mise qof shakhsiyad leh isla wayniin oo laheyn kabaasiti aanu ku qaadi Karin xilka loo igmaday innuu ugu adeego shacabka. Markaad qiimayn ku samayso madaxda ama Wasiir ha noqdo ama Agaasimayeyaal ha noqdaan ama Guddoomiyeyaal waxaad arkaysaa qaar la saaray rar iyo culays ka tanweyn oo kabaasitigiisa oo ah Agaasime waaxeed,ama Agaasime ayaa shaadh wasiir buuxa loo xidhayaa, dabadeed wakaa la kufay. Markaa waa mushkiladaha badan ee haysta maanta xukuumadda Somaliland. waxay ku xidhan tahay shakhsiyadda qofkaasi noocay ay tahay.ma mid kibir iyo is weynaysiin badan, mise qof is dhuldhig badan?

Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha Somaliland Sharmaake Geelle,waa shakhsiyad dadku ay jecel yihiin ,waa shakhsi is dhuldhigid badan.waa qof debecasan .waa qof jecel inuu qofkasta qanciyo oo la fadhiisto.waa qof jecel inuu ixtiraamo qof raba inuu la kulmo ,Uma eego Sharmaake Geelle qofkaasi  ma yahay madax, ma u qalantaa, ma eego shaadhka uu xidhan yahay. Uma eego kan  madax ayuu ka soo jeedaa. Guddoomiye Sharmaake Geelle uma eego kan Wasiir-baa dhalay, uma eego kan Xildhibaan baa dhalay ama Mudane hebel ayaa Aabihii ah, ama lagama  hor mariyo dadka jilicsan ama ka soo horeeyay ee hortaangan xafiiskiisa ama goobta uu joogo. Uma eego kan Madaxweynaha ayaa adeer u ah ama waalidkii ayaa tijaara, UMa eego cidda uu yahay, uma eego kan ayaa saaxiibkaa ah. uma eego cid gaar ah innuu jeclaado. uma eego da,adiisa iyo aqoontiisa.uma eego magaciisa. Uma eego labnimadiisa  dhedignimadisa. Waxaan xasuusta maalin maalmaha ka mid ah ,aniga iyo  dad weyne kale oo qof wal-ba arrin u gaar ah u socday, laakiin na wada kulmisay danta aanu u wada socono Guddoomiyaha shaqaalaha dawladda Somaliland sharmaake Geelle . Waxay indhahaygu arkayeen maragna u aheyd dad badan oo goobta isugu nimi markii aanu in yar aanu iska waydiinay shakhsiyadiisa Guddoomiye sharmaake waxay dadkii halkaa joogay isugu wada marqaati fureen innuu yahay shakhsi  ixtiraamka iyo qaddarinta,debecsanaanta iyo  soodhawenta cidkasta ee  Guddoomiye sharmaake Geelle yahay qofka astaanta kaliya ah ee maanta ka soo dhex-baxday dhalinyaradii xukuumaddihii kala duwanaa ee Kulmiye innuu yahay, xitaa xildhibaanadii Golaha deegaanka ee dawladdaha hoose ee dalka Somaliland mid la qaato aanu ku jirin dhalinyaradii la wada doortay, laakiin sharmaake Geelle yahay hormuudka iyo shakhsiyada ugu ixtiraamka wanaagsan iyo astaan hogaamineed leh marka loo eego dhalinyaradii xilalka ka soo qabatay  Somaliland

Waxa qoray Idiris Saleebaan Maxamuud  oo ka mid ah dhalinyarada Gobolada Sool Iyo Gobolka Xaysimo

Idiris1123@hotmail.com

Nagala soo xidhiidha Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here