Maxaa Lagu Xidhay Cabdimaalik Coldoon?

0
1910

Ciidamada booliska Somaliland ayaa galabta Magaalada Burco ku xidhay Suxufi/Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon oo la sheegay in ay goobtiisa shaqo ka soo xidheen. Ma jiro war rasmi ah oo boolisku ka soo saaray xadhigga Mr Coldoon laakiin, waxa la arkayay Muuqaallo iyo sawirro muujinaya booliska oo xabsiga u wada Coldoon.

inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo laga hayo xadhigga Cabdimaalik Coldoon haddana waxa la rumaysan yahay in xadhiggiisu la xidhiidho Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Dugsiga Abaarso oo uu ku dhalliilay faafinta afkaar ka dhan ah Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.

Madaxweyne Biixi iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maalmihii la soo dhaafay si adag u difaacay goobahaas Coldoon baraha bulshada kaga faallooday dhaqan xumada uu ku eedeeyay.

Madaxweyne Biixi ayaa fagaare ka sheegay hadalka uu ku difaacayo Abaarso School oo loo fahmay in uu jawaab u yahay eedaha Coldoon

Coldoon Oo Madaxweyne Biixi U Jawaabay

Sidoo kale Wasiir Kaahin ayaa si weyn u difaacay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu sheegay in ay fadhi u tahay Abwaannada waaweyn ee Somaliland iyo aqoon yahano kala duwan, islamarkaana ay tahay xarun dhaqanka u ilaalinaysa dhallinyarada.

Wasiir Maxamed Kaahin “ Xarunta Dhaqanka Dhalinyarada Dhaqan Xumada lagaga badbaadinaya..”  

Arrimahan ayaa muujinaya in Xukumadda Madaxweyne Biixi la safan tahay Xarumaha uu Coldoon dhalliilay, islamarkaana xadhiggiisu salka ku hayo eedaha uu xarumahaas u jeediyay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here