Maxaa Maanta  Ku Kala Qabsaday Jeelka Weyn Ee Hargeysa Uu Ku Xidhan Yahay Boqor Cismaan Buur-madow Iyo Wasiirka Wasaarada Xannaanada  Xoolaha Somaliland Gaafaadhi?

0
2294

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Somaliland  Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa maant abaaro sagaalkii maalin-nimo ku booqday jeelka weyn ee magaalada Hargeysa Boqor Cismaan Buur-madow oo wakhti xaadirkan ku xidhan saldhiga weyn ee caasimada Somaliland. Isla markaana waxa la sheegay in Wasiir Xasan Gaafaadhi  in booqashada uu jeelka maanta ugu tagay Boqor Buur-madow ay ku wehelinayeen 16 rag ah oo u badan Odayaal raaska uu ka soo jeedo  Wasiir Gaafadhi  ay la socdeen markii uu u tagay Boqorka.

Madax-dhaqmeed,wax garad iyo dhaliyaro ka soo jeeda  beelaha kala duwan ee Habarjeclo oo iyaguna booqasho ugu tagay Boqor Cismaan Buur-madow Jeelka weyn  ee  Magaalada Hargeysa, oo ku sugnaa goobta saldhiga weyn markii Wasiir Gaafaadhi  yimi Boqor Cismaan Buur-madow, oo ka cudur-daartay in magacyadooda la sheego ayaa wakaalada Baraarugnews.net xafiiskeeda Wararka ee magaalada Hargeysa, u sheegay in Wasiir Gaafaadhi markii saldhiga yimi askarta ilaalada saldhiga weyn u diideen innuu gudaha ugu galo qolka uu ku xidhan yahay Boqor Cismaan Buur-madow.   Dadkaa goob jooga ahaa markii Wasiir Gaafaadhi yimi jeelka Waxay sheegeen in askarta ilaalad saldhiga ay iska hortaageen Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Xasan Gaafaadhi innuu u galo  Boqor Cismaan Buur-madow. Warku wuxuu intaa ku darayaa in askartii  uu ku yidhi  Wasiir  Xasan Gaafaadhi waxaan ahay Wasiirkiisii Boqor Cismaan Buur-madow ee I sii daaya, si aan u soo eego Boqorka waxa la yidhi wuu ku xanuunsaday saldhiga oo arrimahaa ayaan u socdaa. Balse waxay sheegeen in markii Wasiir Xasan Gaafaadhi hadalkaasi ka soo baxay ay laba askari oo taagnaa kidinka  laga galayey qol gaar ah oo uu ku xidhan yahay Buur-madow, intay qoriga gacanta kor ugu qabsadeen kuna fiiqay Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo Kalumaysiga Xasan Gaafaadhi hadal dagaal iyo cadho u dhacayey oo karoox ah ka muuqatay ku yidhaahdeen anagu Wasiir iyo waxaad aad tahay  garan mayno ee dib u bax. Isla Markaana waxay  sheegeen in rag  tiradoodu gaadhayso ilaa lix iyo toban (rag gadhaaya16), oo la socday Wasiir Xasan Gaafaadhi ay ka xanaaqeen qaabkii ay ula hadleen Wasiirka askara saldhiga oo mar-qudha wada bilaabay oo ku boobay askartii ilaalada saldhiga ayaa ku yidhi askarta ma Wasiirka ayaydaan garaneyn?  Miyaanu aheyn Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalumaysa ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi?

Maxaad Wasiirka sidaa ula hadlaysaan?

Waxay cadeeyeen in markii Buuq iyo qaylo hadalo cadho ah oo askarta iyo dadkii la socday Wasiir Gaafaadhi ay is dhaafsadeen   hanjabaad iyo aflagaado  ay goobtii saldhigu noqotay  qas, xaalkii isu-badelay in qaab fool-xun shaadhkiisa intay askartii kaladhka qabteen iyo dhinacyada Wasiir Xasan Gaafaadhi iyo raggii la socday dibada u soo tuureen oo askar badan hareeraysay.Balse waxay sheegeen in markii sharaf dil iyo qaab fool-xun oo ka baxsan masuul dawladeed ama ixtiraam Wasiir aan sidii sii oo kale  loola dhaqmin Wasiir xasa, ay arrinkii soo galeen Salaadiin iyo Jiif-caaqilo iyo dad badan oo ku sugnaa goobta, una yimi Boqor  cismaan Buur-madow oo ku soo booqday saldhiga uu ku xidhan yahay ee jeelka weyne ee Hargeysa. Wxaay tilmaameen in markii madaxda dhaqanka ee beesha Habarjeclo ee goobta ku sugnaa ay markii dambe xaliyey arrinkii Wasiir Xasan Gaafaadhi iyo askartii saldhiga, ka dibna loo sii daayey Wasiirka gaafaadhi Boqor Cismaan oo uu ugu galay qol gaar ah oo kaligii lagu xidhay Boqor Cismaan Buur-madow.

Dhinaca kale, Wasiir Xasan ayaa markii uu u galay Boqor Cismaan BUUR-madow, salaan ka dib waxa dhex-maray hadal u dhacayey su’aal  iyo jawaab oo Boqor Cismaan Buur-madow waydiiyey Wasiir Xasan oo macnihiisu  ahaa hadal duur-xul ah oo ku wajahan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ee xukunka maxkamada Gobolka Maroodijeex ku xukuntay boqorka shan sano oo xadhig ah. Boqor Cismaan Buur-madow ayaa la sheegay innuu ku yidhi Wasiir xasan Gaafaadhi, waar waxaan islahaa nin laan-dheere ah ayaa ku soo xidhay ee miyaanu kula socon, Mise kaligaa ayaad soconaysay Xasanow?

Wasiir Xasan Gaafaadhi oo hadalka boqor Cismaan Buur-madow ka jawaabayey ayaa la sheegay innuu ku jawaab, haa waa kaligay oo cid kale ilama socoto ee ka waran miyaad xanuunsatay, side immika weeye caafimaadkaagu?

 

Waxa la sheegay in markii uu ku jawaabay hadalkaa Wasiir Xasan Gaafaadhi, ayaa hadalkii uu qaatay Boqor Cismaan Buur-madow oo u dhacayey fariin uu u dhiibayey Wasiir Gaafaadhi,  waxa uu Boqor Cismaan Buur-madow  ku yidhi Wasiir Xasan Gaafaadhi, waxaan islahaa laan-dheere ayaa ku soo xidhay oo wuu kaa daba imanayaa ama saldhiga ayuu kugu soo booqanayaa oo aad u xidhan tahay, ayaan islahaa, laakiin Boqor Cismaan ayaa la sheegay intuu kalmad maahmaah ah ku daray hadalkiisii, sii raaciyey sidii la moodaayey noqon waa, isagoo uga jeeday Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Hase yeeshee, Wasiir Xasan Gaafaadhi, ayaa la sheegay innuu Boqor Cismaan Buur-madow ku yidhi, iska dhamayso xukunkaaga, isla markaana waxay  sheegeen dadkii goob jooga ahaa markii wada hadlayeen Boqon Cismaan Buur-madow iyo wasiir Xasan Gaafaadhi innaanu wax arrin iyo talo ah oo uu boqorka ula yimia aanay jirin Xasan Gaafaadhi ee iska soconayey.

Caarshe7@hotmail.com)

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here