Maxaad Ka Taqaan Shanta Urur Ee Dunida Qarsoodiga Shaqeeya Ama Saameyn Wayn Ku Leh Madaxda Dawladdaha?

0
13
Maxaad Ka Taqaan Shanta Urur Ee Dunida Qarsoodiga Shaqeeya Ama Saameyn Wayn Ku Leh Madaxda Dawladdaha?

Maxaad Ka Taqaan Shanta Urur Ee Dunida Qarsoodiga Shaqeeya Ama Saameyn Wayn Ku Leh Madaxda Dawladdaha?

Muqisho,(Baraarugnews.net)- Wargeyska Express ee dalka Ingrisiika ayaa daabacay warbixin ka hadlaysa shan urur oo ah kuwo dunida si qarsoodi ah uga sheqeeya, haddana saamayn weyn ku leh isbedelada dunida ku dhacaya. Ururadan qarsoodiga ah waxa ujeedooyinkooda qarsoon ku fuliya madaxda dawladaha waaweyn. Waxaana ay kala yihiin:

Jimiciyadda loo yaqaan “Skull and bones” Dhakada iyo Lafaha. Waxaana laga asaasay sanadkii 1833 dalka Maraykanka waxaana sameeyay “William H. Russell” oo ahaa arday wakhtigaasi dhiganayay jaamacadda Bilderberg kana soo jeeday qoys maalqabeen ah oo ka ganacsan jiray xashiishadda. Astaanta ururkan qarsoon waa sawirka hoosta ka muuqda , tirada ka hoosaysa ee 322 waa taariikhda ay aaminsan yihiin in la asaasay dhaqdhaqaaqan qarsoon. Wargeyska ayaa sheegay in Xubnaha ugu caansan ay ka mid ahaayeen madaxweynihii 27 ee Maraykan Willam, kaasi oo xilka dalkaasi hayey 1908 -1912.

Wakhtigan waxa ugu caansan xubnaheeda xoghayihii Arimaha dibedda ßoo qabtey ee Maraykank John Kery, madaxweynihii hore ee Maraykank Bush iyo Aabihii. Iyadoo sanadkii 2004 tartankii Madaxtinimada maraykanka labadii musharax ee labada xisbi ay ka soo jeedeen Ururkan.

Xubnaha ururkan ayaa intooda badani ka soo jeedaan qoysaska ladan ee looga yaqaano waddankaa Anglo-Saxon Protestant. Waxaana la sheegay in ay yihiin ururka ka danbeeyey saamaynta qunbulo duriyihii lagu riday wadanka Japaan, iyo weliba dilkii Madaxweynihii Maraykanka ee John of Kennedy iyo weliba boqolaal dhacdo oo dil iyo duulaano isugu jira, kuwaasoo xaqiijintooda ay adag tahay sida loogu caddeeyaa.

Waxa turjumay Wariye Faysal Axmed Karshe

.

Email:-Baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here