“Maxaad u cayday walaalkay Iyo Wiilkayga Axmed yare Faysalow?

0
76
“Maxaad u cayday walaalkay Iyo Wiilkayga Axmed yare Faysalow?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Kulankii u dambeeyey ee Muuse Biixi, Cirro iyo Faysal ku dhex maray aqalka madaxtooyada Hargeysa ayaa Muuse Biixi Xafiiskiisa Madaxtooyada is yidhi ku dhex garaac Faysal Cali Waraabe, iyadoo halkaas arrin layaab leh ka dhacday.

Is-afdhaaf ayaa meesha ka dhacay Muuse oo Diinta iyo Illaahay caayaya ayaa istaagay kadib Mobilkiisi ayuu Faysal wejiga kaga dhuftay, Faysal ayaa isna Muuse Laabta kaga dhuftay Caagad xidhan oo biyo ah, kursigiisa ayuu dib ugu liicay, kuna dhacay Muuse Biixi Cabdi.

La soo kala jiid dibbeda ayaa lasoo baxay waxba yaan hadal kugu daaline, Faysal ninka iska celi, Odaygii Abdirahman Cirro ahaana sidii Illaahay ku ogaa naftiisa u dulmi tii Faysalna u dulmi adigu Faysalka laftiisu isdulmi; sikale kuuguma sharixi karee Qooqaa Madaxweyne Biixi Nimankaa waaweyn ku qooqay way Qarsadeen, Faysalna waa baxsaday.

Sheekadu intan kuma eekee, 13 maalmood waxaa Muuse Biixi, laga baryayaa Faysal ha xidhin, waan xidhayaa, Inadeer ha xidhin iyo wallaahi waan xidhayaa.

Shalay, Saaka iyo Xalay Madaxweyne Biixi sheeko Cusub ayuu keenay wuxuuna leeyahay “Anigu ma haysto Faysal, Lakin waxaa haysta oo uu Caayey walaalkay Omar Biixi iyo Wiilkayga Ahmed Yare”.

Wuxuu kaloo sheegay inuu wiilkiisi la hadlay lakin walaalkii aanu la hadli karin; Maadaama Cumar Biixi yahay Nin Maraykanka ka yimi oo sharciga ku adag.

Ugu dambayn Faysal wuxuu 6 maalmood hor taagan yahay Madaarka Dubia!


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here