Maxaan Ku Jeclaaday Ceerigaabo?W/Q Amal M M Kastam

0
103
Maxaan Ku Jeclaaday Ceerigaabo?
Maxaan Ku Jeclaaday Ceerigaabo?

Magaalada Ceerigaabo markii ugu horaysay ee aan maqlo waxaan ku jiray dugsiga dhexe, waxay iila mid ahayd uun tuulooyinka iyo caasimadaha tirada badan ee macalinkayga Soomaaligu noo sheego kolka uu xiisada noogu jiro. Wakhtigii ardaynimada ayaan buuggayga xusuus qorka ku xarxariiqay qoraal aan wax dareen ah xambaarsanayn oo u dhignaa sidan:

Ceerigaabo, waa caasimada gobolka Gobolka Sanaag waxayna ku taalaa dalka Somaliland. Magaaladaan waxa degan dad lagu qiyaaso 320,000 oo qof.

Ceerigaabo waa magaalo ka mid ah magaloyinka ugu waaweyn Somaliland, ceerigaabo waxay ku talaa meel aad u qurux badan. deegaanka ay ceerigaabo dhacdo, waa deegaan aad u qurxoon. magalada ceerigaabo masafo aan dheerayn u jirta buurta caanka ah ee Daalo iyo Surud, burahasi oo ah buuraha dalxiiska loo tago uguna dhadheer. Sidoo kale DOOXADA Dagaar, kuna taal koonfurta ceerigaabo oo kamida meelaha ugu quruxda badan. waxa lagu cunaa hilimka hidaha oo baruur miidhan ah, sababtoo ah Ceerigaabo  waa dhul aad u qabow ,marka loo eego cimilada  Gobolada kale ee somaliland. Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxa lagu tilmaami karaa iney tahay goobaha ugu quruxda badan dhulka Somaliland, iyadoo magaaladu ay ku taalo goob cagaaran oo dhir badan isla markaana cimiladeedu tahay cimilo ka duwan inta kale ee dalka Somaliland.Ceerigaabo waa dhulkii inta badan odayaasha ay ka soo jeedaan qabiilada soomaalidu ka abuurmeen, kuna aasan yihiin awoowyaasha ee laga soo tafiirmay iyo degalkii Araweelo, waa dhulkii dalxiiska oo waxa ku taala buurta Daalo oo ah buur markaad saarantahay baddu kaa sarayso, daruuruhuna kaa hooseeyaan. Waxaa ku taala buurta Rabshiga oo ah uur xaarka shimbiraha ka samaysan iyo goobo badan oo damaashaadka ku haboon”.

Walow ay magaaladani ku leedahay fac wayn oo soo jireena taariikhda soomaalida, taariikhdaas mid aan ka dhicin ayay qalbigayga iyo noloshayda ku leedahay. Haddaad Ceerigaabo ku jeclaatay bidhaanteeda iyo bilicdeeda quruxda badan ama deegaankeeda iyo jawigeeda dabiiciga ah oo aad xiisaynayso buuraha iyo barxadaha ku yaala, anigu waan kaa duwanahay oo intan midna ma arag! Sababtaan Ceerigaabo u jeclaadayna maaha.

Toban gu’ ka hor wakhti xagaa ah oo fasaxii dugsiga lagu jiro ayaan mar qudha si kedisa u kala xidhiidh furanay qof aan jeclaa, ma haysan taleefan, haddaan haystona isaga ayaan haysan oo waxaanu ahayn arday dugsiga uun ku kulma oo sheekadayadu goobtaas may dhaafi jirin, hadday dhaaftana waxaanu ku ballami jirnay seesaska iyo gidaarada dugsiga u dhaw . Intii aan dugsiga la xidhin isma aanu waydiin haddii la xidho dugsiga halka aanu ka so wada xidhiidhi doono iyo qorshe kale toona, xiisihii iyo kalgacalkii oo meel wacan noo maraya ayaan mar qudha is waynay, oo uu noo baryay  waa cusub oo xisaabtaba aan noogu jirin.

Ciyaalnimo iyo caashaq culus oo isu kay barkaday ayaan muddo la calaacalayay oo la ciirciirayay, oohin iyo ciil dheer kadibna waxaan raadiyay xog ku saabsan ruuxii aan calmaday ee iga lumay. Muddo badan baan dartii u ilmeeyay oo aan daydayay intii lagu gudo jiray fasaxii dugsiga, waxaanan ugu dambayntii ogaaday inuu safar ku tagay magaalada Ceerigaabo.

Maalintaa kadib Ceerigaabo way ka soo guurtay meeqaamkii ay ku lahayd agtayda, oo waxay noqotay goob igu leh qiime gaar ah oo iiga gooniya meel kasta oo kale. Saacadaas kadibna magaalo caadi ah ii ma ahayn ee waxay noqotay magaalo caan ka ah qalbigayga, wadnahayguna uu u aqoonsaday caasimadii jacaylka. Calan bay u ahayd xusuustayda iyo calaamad aan duugoobin.

Inkastoon ku dadaalay inaan rugtaas cagta soo saaro goor ay noqotoba, inkasta oo ay noqotay meel markaan magaceeda maqlo aan ku qiiroodo, inkastoon riyo iyo rajaba ku dhex dawaafay runta horteed, inkasta oo aniga oo aan arag aan ku waashay hadal haynteeda, haddana way ii suurta gali wayday inaan tago, wakhtiga iyo duruuftuna ii ma ay saamixin inaan mar uun soo booqdo magaaladan bilan ee boqran, sida xad dhaafka ahna aan u jeclahay.

Inkasta oo wali aan rejo ka qabo in aan mar uun soo siyaaran doono summadii jacaylka oo aan sawir ku soo gali doono Ceerigaabo, haddana waxaan is waydiinayaa tolow geedka maanta la jaray ka mid ma yahay meelaha uu maray jacaylkii safarka aan ka soo noqodka lahayn ku aaday Ceerigaabo ee aad sidaa ku wayday, geedkaasi qayb ma ka yahay xusuusta dad badan oo ku kala hayaamay socdaalka dunida?

Si kasta oo ay tahayba qofkii aan dartii Ceerigaabo u jeclaaday  jacaylkiisii wuu iga maydhmay, balse waxa wali igu mudan oo maskaxdayda aan ka masaxmin jacaylkii aan u qaaday magaalada ceerigaabo. W/Q Amal M M Kastam


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here