Maxamed Baashe-na ma galbaday?!

0
178
Maxamed Baashe-na ma galbaday?!

Maxamed Baashe-na ma galbaday?!
Xilliyada qaar waxaa dhacda xaaladda ruux ku waabariisto,haddii ay tahay mid deggen oo uu badqabo,isla markaana aan werwer ku furrayn,in xaalad qofkale ku sugan yahay ay beddesho.Dabadeed ruuxii aad la dareen noqoto haddii uu faraxsan yahay iyo haddii uu murugaysan yahay ba.Inkasta oo wax kastaa qoraal yihiin oo alle xaggiisa ka sugnaadeen,haddana dareen murugo leh ayaa saaka isoo foodsaaray.Waan nabadqabay,balse hadda wax baa i beddelay oo waanigan sirsirqaysan.Waan rumaysan kariwaayey weedhahan hortayda ku daabacan.
Waxaan akhrinayaa qoraalkan kooban ee la soo geliyey Baraha Bulshada.Waa anigan fiirinaya ee indho aan ka raalli ahayn halka ay u aroorayaan iyo qalbi niyadjabsan ku raadguraya,dabadeed waakan raadkii ila galay boggii aan aqaannay ee Maxamed Baashe Xaaji Xasan.Boggani ma kii saxda ahaa baa? Ma Maxamed ayaa is na maanta galbaday?Tolow yaa ii xaqiijin kara? Bal dib u raac wixii maqaallo iyo suugaan rasaysnaan jirtey ardaagiisii bilnaa?Anigoo fiirinaya oo kolna sare u wada kolna hoos,ayaa dad xog-oggaal ah oo Carriga Ingiriiska ku sugani shaaciyeen.Dabadeed candhufta ayaan dib u liqay.Waa xaq;waa xaq ayaan ku celceliyey oo garwaaqsaday geeridii aan isdiidsiinayey.
Waa uu geeriyooday Maxamed Baashe X.Xasan isagoo Soomaalida dhexdeeda sumcad ku leh.Cid waliba garanayso,meelkasta na laga jecel yahay.Magaciisa iyo muuqiisa na la wada yaqaanno.Deegaankasta oo Soomaali degto lagu xusayo oo lagu sharfayo,ayuu dunidan aan lagu waarayn ka safray,isagoo sahaydiisa dhabarka ku xanbaarsan.
Maxamed Baashe Xaaji Xasan waxaa araggiisa iigu horreysay dabshidkii 2009 badhtankiisii, xilligaa oo uu Hargeysa yimid.Wuxuu ku sugnaa Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda.Civil Service Institute (CSI) oo xilligaa Bandhiggii Buugaagta Caalamiga ee Hargeysa lagu qaban jirey.Sannadkaa waxaa lagu xusayey oo halku dheggiisu ahaa Maxamed Mooge Liibaan.AHUN.(Mooge festival Hargeisa).Mar keliya ayaa sacab,mashxarad iyo durbaan is qabsaday.Waxaa kor loogu dhawaaqay magaciisa.Waxaan fiiriyey qofka loo mashxaradayo.Waxaa agtayda soo maray,nin dheer oo luxdan,isla markaana aan gadh lahayn.Suudh madaw xidhan oo wejigiisa dareen farxad ahi ka muuqdo.Wuxuu fuulay sallaxii fagaaraha,dabadeed qudbad dheer oo dhaqanka Soomaalida,farta iyo wax akhriska ah,ayuu ku sooryeeyey bulshadii aan ka mid ka ahaa ee u xiisaha qabtey.Waa aannu la dhacnay oo hoobaanta ka burqanaysa iska macaansannay.Aragtidiisa maalintaas ayaa iigu horreysay,balse iigu ma danbayn. qalbigayga qaybta wax kaydisa ayaa sacabkaa iyo muuqaa maalintaasi ay lahayd,hadda ka baxaysaa oo aan dib ugu noqday.Bal adigu madashaa iyo muxibbaa loo qabey suuree? Bal sawirro jawiga maalintaasi lahayd?farxaddaa ayaan Maxamed ku bartay,maalintaa wixii ka danbeeyeyna Maxamed dadka iga ga ma khaldami jirin.Maxamed dhawr jeer oo kale ayaan iyana ku kulannay magaalooyin kala duwan sida; Hargeysa,Burco iyo Berbera,balse aqoon shakhsiyadeed xilligaa iima lahayn,aniga uun baa dushaas ka aqaannay.
Maxamed Baashe wuxuu dabshidkii 2017-kii banyankiisii ii noqday macallin.Waxa uu ka mid ahaa rag badan oo Abwaanno,Qoraayo iyo xeeldheerayaal afeed ah oo xilligaa farta Soomaaliga qoraalkeeda u banbaxay,si ay hannaan qurux badan oo toolmoon dadka u gaadhsiiyaan.Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka Hargeysa ayaa ay ku gudbinayeen aqoontooda afeed,si mutadacnimo ah.Abwaan Siciid Saalax Axmed,Abwaan Rashiid Sh.Cabdillaahi(Rashiid-Gadhweyne) Cabdillaahi Cawed Cige, Sh.Maxamed Bashiir iyo Dalmar ayaa ka mid ahaa oo aan geddigood halkaa ku bartay,walow magacyadooda aan hore u aqaannay.Laakiin kulankayagii koowaad uu halkaa ku sinnaa.Aakhirkiina waxaa sannadkaa na la guddoonsiiyey, shahaadadii koobnayd ee habcurinta qoraalka toolmoon(The creative writting Course)
Qofka aad hal erey ka korodhsato, waa kaaga duwan yahay dadka kale.Aniga Maxamed Baashe X.Xasan iyo dhammaan ragga mansabyadaa kala duwan leh ee aan kor ku xusay,xushmad iyo qaddarin ayaan u hayaa.Wax badan baan hor fadhiistay oo ka faa’iiday.Waa aan uga mahadcelinayaa meelkasta oo ay joogaan.
Maxamed Baashe X.Xasan wuxuu Bare ka ahaa qaybta saxaafadda oo ah qaybta ugu ballaadhan.Wuxuu na baray ereyo badan oo rag ruugcaddaa saxaafadeed ahi ku soo kordhiyeen afka Soomaaliga.Wuxuu noo iftiimiyey in weriyuhu yahay muraayaddii fanka,afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed,loona baahan yahay in uu intii karaankiisa ah dayactiro oo aan xaggiisa ka liicin,sida maanta aynu aragno.
Maxamed Baashe X.Xasan dhiganayaal badan buu qoray.Dhiganihii iigu horreeyey ee aan akhriyo,isla markaana aan magaciisa ku barto,wuxuu ahaa Hal-ka-haleel.Wuxuu ka qoray Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) waa dhigane xambaarsan falsafad,dhaqanka Soomaaliyeed iyo cilmiga falagga.Wuxuu gudbinayaa farriimo kala geddisan oo xilli walba aad ku cabbiri karto,xaalad kasta na la falgelaya.Waa maansooyin badhaxtiran oo ka soo qulqulay il aan gudhay iyo dawlis aan daalayn oo Bulshada ku habaya suugaan dhayeysa boogaha oo ciddii u baahan jeelka ka tiraysa.
Maxamed Baashe wuxuu ahaa;qoraa Soomaaliyeed,Mufaker fiiro dheer,Weriye,Xeeldheere dood yaqaan ah.Nin cabbira fikirkiisa oo aan la gabban;hadba wixii laabtiisa gubaya.Weligii fikir uu qabo aanay quluubtiisa ku dhex dhiman isagoo cid uga tudhaya.Qof xor ah sharaarad badan oo mutadawac ah.Qof qalbi xaadhan oo kaftan badan.Gacantiisu furan tahay,uurkiisa iyo afkiisuna iswaafaqsan yihiin oo Alle yaqaan ah.Wuxuu kaloo ahaa hal-abuur ereyada curiya,tidca toosiya oo dhaqan yaqaan ah,ku na laafyooda noocyada kala duwan ee suugaanta.
Maxamed Baashe maanta oo khamiis ah ayaa Alle oofsaday.Waxaa barihii bulshada is qabsaday baroordiiqda suugaamaysan iyo xikmadaha ka soo burqanaya bulsho weyntii Soomaaliyeed ee jeclayd,isla markaana uu uga tegey dhaxalka aan rag iyo dumar loo eegayn,ee qofwaliba dhankiisa si siman uga qaadanayo.Kaas oo ah dhiganayaashii cuddoonaa ee uu inooga tegey.Ugu danbayn waxaan Raxmaanka uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo,su’aashana u fudaydiyo.Qoyskii qaraabadii iyo bulshaweyntii Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan ka siiyo.
WQ: Axmed Cali Dirir
Sawirka: Maxamed Baashe X.Xasan.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here