Maxamed Caare Oo Maamulka Puntland Ayaa U Dhiibay Dalka Itoobiya &Kuna Qoray Liiska Argagixisada Iyo Baarlamaanka Itoobiya Oo Ka Saaray

0
625

Muqdisho, (Baraarugnews.net)- Kulan ay maanta magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareen saddex urur. Isla markaana Maxamed Cadarre waxa uu ka mid yahay maxaabiistii dhawaan laga soo dareeriyey jeelashada Itoobiya, iyadoo 8 sanadood ka hor Maxamed cadarre laga dhiibay Puntland,mar uu halkaa xaalad caafimaad ku gaadhay magaalada Garoowe.

Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii maanta ka dambeeya aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7.

Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo.

Wixii ka dambeeyey markii Itoobiya uu Ra’iisul wasaare u noqday Dr Abiy Axmed ayaa waxaa la dareemay isbedallo siyaasadeed oo aad u waaweyn.

Bishii September ee sannadkii 2017-kii ayeey golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ONLF u aqoonsadeen urur aragagixiso, walow baarlamaanka federaalka arrintaasi ka hor yimid.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalka kaliya ee ONLF u aqoonsan argagixiso.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here