Maxay Tahay U-jeeddooyinka Ka Dambeeya Ciidanka Tirradda Badan Ee Kornaylada Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wasiir Kaahin Ku Daabuleen Buuraha Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland”

0
317
Maxay Tahay U-jeeddooyinka Ka Dambeeya Ciidanka Tirradda Badan Ee Kornaylada Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wasiir Kaahin Ku Daabuleen Buuraha Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland”
Maxay Tahay U-jeeddooyinka Ka Dambeeya Ciidanka Tirradda Badan Ee Kornaylada Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wasiir Kaahin Ku Daabuleen Buuraha Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland”

Sanaag,(Baraarugnews.net)-madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u adeegsaday ama u isticmaalay saaxiibkiisii qaaxo sababta uu uga dhigay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ay ka dambayso u-jeedooyin qoto-dheer oo isugu jira aar goosi iyo in la leexsado, lagana iibiyo shirkado shisheeya ah buuraha deegaanada Gobolada bariga Somaliland, isla markaana Maxamed Kaahin ayaa intuu ahaa Wasiirka arrimaha gudaha waxa la xidh-xidhay dad rayid ah oo lix boqol in ka badan lagu guray jeelashada kala duwan eek u yaala gudaha dalka Somaliland.

xogo lagu kalsoon yahay oo rasmi ah ayaa sheegaaya in shirkaddo laga leeyay imaaradka carabta in macdan ka qotaan buuraha Gobolka Sanaag, isla markaana boqolaal ciidan oo cusub, uuna sameeyay intii Muuse Biixi Cabdi talada dalka hayey lagu daabulay buuraha ku teedsan deegaanka Bobolka Sanaag ee bariga Somaliland, isla markaana ciidamada bishan ugu dambaysay lagu daabulay buuraha Gobolka Sanaag ayaa la sheegay inay hor-dhac u yihiin, siddii shifo sharci-daro ah loogu boobo, loona dhaco macdanta iyo khayraadka shacabka reer Somaliland.

Qaar ka mid ah aqoon yahanka iyo dadka ka faalooda arrimaha nabadgelyada gudaha iyo siyaasadda Somaliland, ayaa cadeeyay in Dawladda Muuse Biixi Cabdi aheyn mid wakhti xaadirkan maanta ah shacabku ku kalsoonayn, isla markaana waxay ku doodeen in xukuumaddiisa madaxweyne Muuse Biixi cabdi aaney majoorati haysan kalsoonidii shacabka oo meesha ka baxday midnimadii ummadda reer Somalilan.

Halka qaar kalena ay sheegayaan in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Muuse Biixi ay haysato dhaqaale la’aan baaxad weyn oo soo foodsaartay, iyo mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamada bixikari wayday, isla markaana waxay cadeeyeen in shakhsiga kale ee dalka la maamula ee gacanta ku haya, lehna awood la mid ah ta Muuse Biixi oo kale uu yahay Maxamed Kaahin Axmed, walina ay dhashay beesha Habar-awal uu yahay shakhsi u tobabaran fulinta iyo hogaaminta danaha tijaarta iyo ganacsatada beesha Habar-awal, oo uu yahay shaabuug lala dhacayo beelo gaar ah.

La Soco xogo dheeraad ah oo aanu idinku soo gudbinayno muuqaal iyo qoraal-ba ka kadaawo Baraarug tv RADIO ama shabakada Baraarugnews.net

Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here