Maxkamad Caalami Ah Oo Xukun Ku Riday  Kalitaliyaha Dawladda Dalka Jabuuti &Garsooreyaasha  Oo Ka Hdalay Talaabada Laga Qaadi Doono Ismaaciil Geelle

0
97
Maxkamad Caalami Ah Oo Xukun Ku Riday  Kalitaliyaha Dawladda Dalka Jabuuti &Garsooreyaasha  Oo Ka Hdalay Talaabada Laga Qaadi Doono Ismaaciil Geelle
Maxkamad Caalami Ah Oo Xukun Ku Riday  Kalitaliyaha Dawladda Dalka Jabuuti &Garsooreyaasha  Oo Ka Hdalay Talaabada Laga Qaadi Doono Ismaaciil Geelle

Jabuuti,(Baraarugnews.net)-Maxkamad Caalamiya oo xukun ku riday kaliye taliyaha madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,isla markaana Shirkadda ka howl-gasha dekedaha ee DP World, oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa mar kale ku guuleysatay kiis sharci ah oo ay ka gudbisay kaliye taliyaha madaxweynaha ka ah dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,iyadoo arrinta xukunka maxkamadu ku riday ay la xidhiidho khilaafkii maamulka dekedda Doraleh ee u dhaxeeyay labada dhinac.

Koox garsooreyaal ah oo dacwaddan ku dhageysanayay maxkamadda caalamiga ah ee London ayaa amar ku siiyay  Madaxweynaha dowladda Jabuuti in ay labo bilood gudahood dib ugu soo celiso xuquuqdii iyo faa’iidadii ay shirkadda DP World lahayd, ee uu dhigayay heshiiskii ay labada garab kala saxiixdeen sanadkii 2006-dii, ama in ay bixiso dhammaan khasaarihii ku dhacay shirkadda DO World.

Garsooreyaasha go’aankan soo saaray ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay tallaabo sharci darro ah qaadday markii ay si khasab ah shirkadda DP World uga qaaday maamulka dekeddaas, bishii February ee sanadkii 2018-kii.

Maamulka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hore ugu dooday in ay burburisay heshiiskii la kala saxiixday ayna dhammaan hantida dekeddaas noqotay mid ay dowladda leedahay.

Xukunkan ugu dambeeyay ayaa noqday kii lixaad ee ay DP World uga guuleysato dowladda Jabuuti, tan iyo markii dacwaddaas loo gudbiyay maxkamadda sare ee uu fadhigeedu yahay magaalada London.

Hase ahaatee, ilaa hadda, Jabuuti waxay dhagaha ka fureysatay dhammaan go’aannada kasoo baxay maxkamaddaas, iyadoo la ogyahay in heshiiska hore iyo qandaraaskaba ay ku saleysnaayeen sharciga Ingiriiska.

Dekedda Doraleh ee ay DP World ka dhistay Jabuuti ayaa sameysay shaqo abuurista ugu weyn ee dalkaas, waxayna noqotay isha uu Jabuuti ka soo galo dhaqaalaha ugu badan, sanad kasta oo ka dambeeyay xilligii la furay.

Qandaraaskii ay labada dhinac galeen markii ugu horreysay wuxuu ahaa in DP World ay gacanta ku heyso maamulka dekedda Doraleh.

Haddii markan wax jawaab ah laga waayo jabuuti, garsoorka waxay sheegeen inay guda gali doonaan sidii loo sharciyeyn lahaa lacagta magdhowga ah ee la siinayo DP World, balse DP World waxay ka mid tahay shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee ka shaqeeya maal-galinta iyo dhismaha dekedaha iyo dhismeyaasha laga sameeyo gudaha badda iyo barriga.isla maraana Waxay ka howl-gashaa ilaa 78 xarumood oo isugu jira dekedaha ka dhisan barriga iyo badda, kuwaasoo hoos taga ilaa 50 ganacsi oo ay DP World ku leedahay in ka badan 40 waddan oo ku kala yaalla lix qaaradood.

Email:-Bararaarugnews@gmail.com   Ama Caarshe7@hotmail.com   


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here