Maxkamad Caalamiya oo ku Riday  xukun Madaxweynaha dawlada Jabuuti Geelle Innuu Bixiyo Lacag Dhan US$385 Milyan oo Doolar

0
331

Jabuuti,(Baraarugnews.net)-Maxkamad Caalamiya oo ku daala London, ayaa ku xukuntay  Madaxweynaha dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Inay Bixiso Lacag dhan US$385 Milyan oo lacagta doolarka ah  oo loo xukumay Shirkada DP Worl, isla markaana Maxkamadda dhex-dhexaadinta caalamiga ee London ayaa ku amartay dawladda Jabuuti in ay bixiso 385 Milyan oo dollar iyo lacag dulsaar ah.

Lacagtan 385 Milyan oo dollarka ah ayaa ah xuquuqda shirkadda DP World ku yeelatay dekedda Doorale ee Jabuuti,iyadoo Sanadkii hore ayay dawladda Jabuuti gabi ahaanba shirkadda DP World ee reer Imaaraad ka eriday maamulladda dekedda dooraale ee dalka Jabuuti oo ay ku lahayd saami dhan 33.34% halka Jabuuti lahayd 66.66%. waxaanu go’aanka haddu salka ku hayaa lacagta ka gashay iyo tan ay ka faa’iidi lahayd wakhtiga u hadhay shirkadda Dp World saamigeeda dekedda Jabuuti.

Go’aanka hadda ayaa u bucdiisu tahay in gabi ahaan-ba ay dawladda Jabuuti jabisay heshiiskii Dp World ay la gashay 2006 oo ahaa mid sharci ah, islamarkaana booskeedii u waddo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, sidaa awgeedna ay bixiso lacagtan dawladda Jabuuti ay ku heshay shirkadda DP World.

SOURCE Xigasho.Wakaaladda Wararka tictransportandloticsme.com.

Gulfbusiness.com.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here