Midowga Yurub Oo ku Eedeeyay  Ciidamada Dawladda Soomaaliya In Ay ku Xad-gudbeen Xaduudka dalka Kiiniya

0
116
Midowga Yurub Oo ku Eedeeyay  Ciidamada Dawladda Soomaaliya In Ay ku Xad-gudbeen Xaduudka Kiiniya
Midowga Yurub Oo ku Eedeeyay  Ciidamada Dawladda Soomaaliya In Ay ku Xad-gudbeen Xaduudka Kiiniya

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Midowga Yurub, ayaa maanta soo soo saaray warbixin ay ku amrayaan in dawlada faderaalka soomaaliya dhawrto xaduudka u dhaxeeya soomaaliya, Kiiniya iyo Itoobiya, isla markaana warbixinta ay soo saareen midowga yurub ayaa muujinaaya inay dhinaca saarayaan dawlada Kiiniya. “Dhammaan dhinacyada ay khusayso waa inay sameeyaan wax kasta oo lagama maarmaanka u ah inay yareeyaan xiisadahooda, is xakameeyaan, xushmeeyaan xuduudaha iyo raadinta xasilooni nabadeed oo dhexdooda ah,”Sidaa ayaa lagu sheegay warbixinta qoraalka ah ee ay soo saareen midowga Yurub.

Midowga Yurub wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi,”Midowga Yurub wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo xuduud wadaag ah. Wuxuu kaloo soo dhoweeyay xiriirkii dhowaan dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya.”

Baraarugnews.com or Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here