Miiska sare wuxuu yaala madaxtooyada Somaliland. Waana ka uu ku shaqeeyo madaxwayne Muuse Biixi.Anigu…” 

0
95

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee Somaliland Cali Mareexaan, ayaa qodobo ay ku dheehan tahay erayo murti iyo duur-xul xabaarsan dhacdooyin taariikh hore oo ay soo mareen arrimo ka dhex-dhacay maraakiib ciidan oo ay la haayeen Maraykan iyo Ingiriiska.“1855-Kii ayaa markab ay lahaayeen ciido ku taal waqooyiga Canada. Waxaa soo badbaadiyey markab Maraykanku leeyahay. Muddo ayuu markabkaasi u sii shaqaynayey ciidaamada badda ee Ingiriiska waxaanuu hawl gabay sanado ka dib.

Markii uu hawl gabay waxaa looxiisii laga sameeyey miis qurux badan, waxaanay boqoradii Ingiriiska ee Victoria hadyad u siisay madaxwaynihii Maraykan Rutherford B.Hayes sanadkii 1880 kii. Waxaa loo bixiyey Resolute Desk oo loogu magac daray markabkaa, Madaxwaynayaal badan oo Maraykan ah ayaa ku shaqeeyey ilaa xiligaa, waana kaa hadda kuu muuqda ee yaala Ovel Office-ka ee Trump isku kala bixinayo.

Miiska sare wuxuu yaala qasriga madaxtooyada JSL. waana ka uu ku shaqeeyo madaxwayne Muuse Biixi.  Wuu cusub yahay aadna wuu u qurux badan yahay, waana mid ku soo jiidanaya markaad indhaha ku dhufato. Wuu noqon karaa taariikh, waxaynu u bixin karnaa halyey ka mid ah haldoorkeenii. Anigu waxaan ka fekerayaa Maxamed Mooge AHN. oo ahaa aqoonyahan, siyaasi iyo fanaan la jecel yahay. Waxa kale oo uu ahaa ninkii ugu hor goostay Sanadkii 1976-kii ayuu ka dhaqaay xukunkii Siyaad Barre”.a


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here