Mulkiilaha shirkadda Beeyada ASLI MAYDI Barkhad Oo Hub Iyo Rasaas Kootarabaan Ah Ka Soo Dejiyey Xeebaha Bariga Somaliland Iyo Beesha Loo Waday &Dagaal Beeleedyada Ka Aloosan Gobolka Sanaag

0
1092

Ceerigaabo,(Baraarugnews.net)-Colaada ka dhex-aloosan beelaha ee walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee Gobolka Sanaag, ayaa waxa ku hoos qarsoon arrimo waa weyn oo xukuumadda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka qarsanayso indhaha xaalada dhabta ah inay sicad oo run ah ugu soo bandhigto ama daacad ka noqoto dhex-dhexaadinta iyo nabadaynta labada beelood iyo soo afjarida dagaalka soo noqnoday ee ku dhex-maray maleeshiyo beeleedyada deegaanada Ceel-afwey iyo guud ahaan Gobolka Sanaag, iyadoo xaqiiqda ay meesha ku dhex jiraan niman ganacsado ah oo intii xukuumadda Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo lacago mashaariic ah si beelaysan u siiyey Wasiirkii hore ee madaxtooyadii Madaxweynihii ka horeeyay madaxweynaha hadda Maxamuud Xaashi cabdi iyo xubno kale oo beesha Muuse Abokor ka soo jeeda ayaa qaab gacan qarsoon oo hoosta ka wada dagaalka Beesha Biciide ee Muuse Abokor ee Habar-yoonis bari, gaar ahaan Muuse Ismaaciil iyo Sacad Yoonis.

Mulkiilaha  iska leh Shirkada  Beeyada ee lagu magacaabo Asli Maydi Barkhad Jibriil Xasan,  oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Biciide ee Muuse Abokor, ayaa hub  iyo rasaas kala duwan oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa gaadiidka Fayflayaasha  la yidhaahdo ee Tiknikada la saaro qaab qarsoodiya ugu wareejiyey xilli habeenimo ah beeshiisa Biciide rasaasta iyo hubka uu ugu deeqay beeshiisa Gobolka Sanaag ee dagaalku ka dhexeeyo beesha Sacad Yoonis iyo Muuse Ismaaciil, isla markaana hubkaas ayaa waxa gacanta loo galiyey Salaadiinta iyo Jiif-caaqilada Beesha Biciide ee dagaalku ka dhexeeyo Beelaha Habar-yoonis bari, gaar ahaan Sacad Yoonis oo dhawr jeer dagaalo soo noqnoqday ku dhex-maray deegaanka Ceel-afweyn Beesha Baho Faarax Biciide iyo Sacad Yoonis.

Qaar ka mid ah Dadka  ka shaqeeya Beeyada ee iskaashada Beeyada ee la shaqaysa shirkadda Asli Maydi ee Gobolka Sanaag,  oo ka gaabsaday in magacooda la sheego, ayaa sheegay in gaadiidka ay saar naayeen hubka uu lahaa mulkiilaha shirkadda Asli Maydi Barkhad Jibriil Xasan, oo laga soo dajiyey  xilli habeenimo ah xeebaha  dhinaca bariga ee Gobolka Saaxil ay soo iibiyeen rag uu wakiishay mulkiilaha shirkadda Asli Maydi Barkhad, iyagoo xilli habeenimo ah rag iyo gaadiid loo sii diyaariyey oo beesha Biciide ka soo jeeda u qaadeen dhinaca deegaanada beesha Biciide ee Gobolka Sanaag ay degan yihiin beeshaasi,  isla markaana Mid ka mid ah dadkii isagu indhihiisa ku arkay gaadiidka ay saran yihiin hubka iyo rasaasta, iyadoo nooca gaadiidkaasi ahaayeen, sida la sheegay nooca loo yaqaan Cadha-maydlaha iyo iyo waraado gadhaaya saddex iyo laba gaadhi oo nooca Seerafta iyo Fayflayaasha ah.

Cabdi Aadan Maxamuud ka mid ah bulshada deegaanka Gobolka Sanaag, ayaa u sheegay wakaalada Baraarugnews.net in hubka iyo rasaasta uu siiyey mulkiilaha shirkadda ASLI Maydi Barkhad maleeshiyaad beeleedka ka soo jeeda beesha Biciide oo isku urursaday, kuna sugan deegaano la yidhaahdo Ceel-nimcoon iyo  goob kale oo duleedka magaalada Ceeryaanta u dhaw loo gacan galiyey hubka iyo rasaasta uu ku wareejiyey mulkiilaha shirkadda Asli Maydi Barkhad beesha Biciide oo isku dhacyo dagaalo beeleedyo dhawr jeer ku dhex-maray beelaha kale ee Habaryoonis Bari ee gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.

Cabdi Nuur oo ka mid ah dadka aadka ugu dhaw-dhaw mulkiilaha shirkadda ASli Maydi Barkhad ayaa isna u sheegay  xafiiska wararka ee wakaalada Baraarugnews.net xafiiskeeda magaalo madaxda  Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo in dadka ka dalbaday ganacsadaha leh shirkadda Asli Maydi uu ka mid yahay Suldaanka Guud Ee Beesha Iidle Biciide Siciid Maxamuud iyo Gudoomiyaha Beesha Biciide, ayaa ka dambeeyay inay ku qasbaan mulkiilaha shirkadda ASli Maydi innuu hub iyo rasaas u keeno beeshiisa Biciide ee dagaalka kula jirta beelaha Habaryoonis bari, gaar ahaan Sacad Yoonis oo dhawr jeer dagaalo soo noqnoqday ku dhex-maray Baho faarax deegaanka Ceel-afweyn, isla markaana Dagaalka beelaha walaalo ah eek u dhaqan deegaanka Ceel-afweyn ayaa sababay dhimsho iyo dhaawac aad u badan oo leh naf iyo maal-ba.

Sidoo kale. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo lagu kalsoon yahay, ayaa xusay in hubka laga keenay dalka Yemen ee dagaaladu ka socdaan, lagana soo dajiyey xeebaha dheer ee dekedaha yar-yar eek u teetsan laga bilaabo bariga Gobolka Saaxil ee beesha Biciide degan tahay iyo ilaa Laas-qoray ka sukeeya ee Sanaag  kuwaasoo tilmaamay in deegaanka Darar-weyne iyo Gar-adag iyo deegaano kale oo beesha Biciide degan tahay ee Gobolk aSanaag lagaga keenay dusha, lana soo mariyey meelaha aanay joogin ciidamada dawlada Somaliland.

Kala Soco Xogo dheeraad Ah oo ku saabsan ganacsadaha hogaamiyaha qabqablaha dagaal beeleedyada ee shirkadda Asli Maydi Barkad Jibriil Xasan oo aanu dhawaan idin soo gudbin doono xogo xasaasiya oo ku saabsan halka uu lacagta ka keenay iyo khayraadka uu dalka ka dhoofiyo ee Gobolka Sanaag, shabakada Baraarugnews.net

Iimeel Baraarugnews@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here