“Musuqa Baahsan ee kasarka noqday ee madaxweyne Muuse Biixi

0
99

Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi Ku Dhaliilay Ganacsadde Ismaaciil? Ismaaciiloow Ma Caawin Ayaa Kula Gudboon Mise Horumarin?

Madaxweynaha Somaliland ayaa si weyn ugu dhaliilay ganacsade Ismaaciil (worldremit) oo isagu ah samafale hantidiisa gaarka ah ugu deeqa bulshada baahan.
Hay’ada Sahamiye ee uu sameeyay ganacsade Ismaaciil si ay u maamusho hantida uu ku tabaruco, ayaa danyartii ku barakacday suuqa waaheen si toos ah ugu deeqday lacag ay noloshooda ku maareeyaan iyagoo aan soo marin guddiyada tabarucaad ururinta ee uu sameeyay Madaxweynaha Somaliland.
Wax khalad ah muu samayn ganacsade Ismaaciil, laakiin caqliga keli-talisnimadu ma jecla bulshada nool ee iskeed wax u qabsata, waa caqli doonaaya dadka ilaa ruuxdooda inuu yeesho.
Madaxweyne Muuse wuxuu ku tilmaamay ganacsade Ismaaciil inuu fawdo iyo fat-qalalo abuuraayo maadaama uu diiday inuu mucaawimooyinkiisa soo dhex mariyo guddiyada uu madaxweynuhu maamulo.

Waxaan aaminsanahay in ganacsade Ismaaciil uu xukuumadda ku aamini waayay lacagtiisa, maadaama uu rumaysan yahay in musuq-maasuq baahsani uu ka dhex jiro, aan ku xasuusiyo qayb ka mid ah qoraal uu dhawaan qoray “ ….dadweynuhu ka wada qayb qataan hay’adaha dalka ka shaqeeya looga nadiifiyo xatooyada iyo musuqa BAAHSAN ee kansarka noqday”.
Bal is-waydii qiilka uu madaxweyne Muuse ugu diiday ganacsade Ismaaciil iyo kuwa la midka ah inay si toos ah deeqohooda ugu hagaajiyaan dadweynaha barakacay? Inta aanan qiilka madaxweynaha kuu sheegin waxaan kugula talinayaa in kiniin xummad jabin ah aad is-ag dhigtid, si haddii ay dhibaato kaasoo gaadho jawaabta madaxweynaha aad markiiba kiniinka u liqdid.

Madaxweynuhu wuxuu ku jawaabay hadal nuxurkiisu ahaa sidan: “Annaga oo dawladda ah ayaa garan karna dadka oo dhan, halka dadka intooda kale ay dadka qayb uun ka yaqaanaan, sidoo kale waxaanu diidaynaa in qof mar hanti la siiyay in mar 2aad la siiyo”.
Hadda waa isla xukuumaddii dib u soo diiwaan-galisay isla dadkii ay maalin walba cashuurta ka qaadi jirtay, sidoo kale-na uu madaxweynuhu leeyahay “way dhici kartaa in guddiyadu aanay dadka qaar soo diiwaangalin”.

Maxay markaasi ku kala duwan yihiin xog-ururinta ay samaysay xukuumaddu iyo xog-ururinta ay dadwaynuhu ama ay hay’aduhu sameeyaan? Jawaabtu waxay tahay waxba, oo laga yaabaa in xogta ay ururada bulshadu sameeyaan inay ka tayo badan tahay ta xukuumadda, laakiin ujeedada Madaxweynuhu waxay tahay inuu dhammaan lacagta gacanta ku dhigo.

Haddaba weerarkan afka ah ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku qaaday ganacsade Ismaaciil, waxaan filayaa inuu xigi doono tallaabooyin kale oo lagu carqaladaynaayo hawlaha samafalka ah ee uu wado.

Ganacsade Ismaaciil wuxuu haystaa fursad aanay haysan ganacsatada kale ee Somaliland, taasoo ah madax-bannaani ganacsiyeed, anigoo uga jeeda in ganacsiga Ismaaciil aanuu sinnaba ugu xidhnayn xukuumadda Somaliland, halka ganacsatada kele sida Dahabshiil, Telesom, Oomaar….iwm ay dhammaantood ganacsigoodu yahay mid ay xukuumadu saamayn karto haddii ay ka xanaajiyaan.
Haddaba waxa la gudboon ganacsade Ismaaciil inuu xorriyadaasi uga faa’idaysto sidii uu u maal-galin lahaa barnaamijyada horumarinta bulshada ee muddada dheer iyo muddada dhexe sida barnaamijka Daaris oo kale, iyo fikrado badan oo kale oo kollay maskaxdiisa ku jirta ama looba soo jeedin karo.

Anigu shakhsi ahaan aad ayaan uga soo horjeedaa in tabarucaadka bulshadu ay ku jihaysnaato baahiyaha asaasiga ah, iyadoo arrimahaasi ay yihiin waajibaadka dawladda ee ay uga gaabiso musuq-maasuqa ay samayso darteed, halka mucaawimada ay bixiyaan ganacsataduna ay u eekaanaysaa inay ceebta dawladda ku asturaayaan.
Nuxurka farriintaydu waxay tahay in farqi u dhexeeyo caawinta, oo ah in qof ama bulsho laga taageero dhibaato dhacday si ay dib ugu soo noqoto isla halkii ay markii hore joogtay, sida caawimada abaaraha ama caawinta dadka ku barakacay suuqa waaheen iyo horumarinta oo iyadu yoolkeedu yahay inay bulshada halkay joogto ka horumariso sida barnaamijka Daaris oo kale oo isagu bulshadeena ka qaadaaya heerka wax-akhriska iyo qoraalka ee lagu qiyaaso maanta 40% ugu badnaan ilaa uu ka gaadhsiinaayo 100% insha Allaah.

Walaal Ismaaciiloow, ma jiro maanta Somaliland ganacsade isku-darsaday awooda dhaqaale iyo madax-bannaani ta aad leedahay oo kale, anigoo lexo-jeclo weyni iga hayso hantidaada ku baxaysa caawimada aan dhammaanayn, waxaan si naxariis leh kaaga codsanayaa inaad hantidaada ku bixisid horumarinta oo aad ka joogsatid caawimada.
Ismaaciiloow, ha na siin kalluun, ee na bar kalluumaysiga.

Sidoo kale waxaan ku xasuusinayaa inantii u xidhnayd musuq-maasuqii ay fashilisay.
Ilaahay talada saxda ah ha ku waafajiyo…. Aamiin.

Qore Maxamuud Jaamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here