Muuse Biixi Hooyadii Inuu Baaskeesha Ku Riixo Ayuu Ka Shaqaynayaa Maxamed Kaahin &Tiradda Dadka Ay Rasasta La Dhaceen Ciidamada Somaliland

0
94
Muuse Biixi Hooyadii Inuu Baaskeesha Ku Riixo Ayuu Ka Shaqaynayaa Maxamed Kaahin &Tiradda Dadka Ay Rasasta La Dhaceen Ciidamada Somaliland

Hargeysa, (Baraarugnews.net)- Deegaanada Gobolada Bariga Somaliland, ayaa Qalalaase iyo xaalada amaan-daro ah iyo dilal joogsiga laheyn oo ka taagan, isla markaana Muuse Biixi Cabdi ayaa intuu talada dalka la wareegay hogaaminta shacabka reer Somaliland galiyey xaalad aad u xun oo mid dhaqaale iyo nabadgelyo xumo isugu jirta.

Ciidamada booliska Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa saddex cesho ka hor oo todobaadkan aynu ku jirno ah dil toogasho ah ku dilay laba qof oo rayid ah oo ka mid ah bulshada ku dhaqan gudaha magaalada Laascaanood, balse qaabka ay u dileen ciidamada booliska Laascaanood laba qof ee shacabka ahaa ayaa la sheegay in qaab kibir iyo ciyaar dhel-dheel ah ku toogteen labada qof oo ku sugnaa badhtamaha suuqa magaalada Laascaanood oo rasaas ogaan ugu fureen qaar ka mid ah askar ka tirsan saldhiga booliska magaalada Laascaanood.

Hase yeeshee dilka ay u gaysteen labada qof ee shacabka ciidanka booliska Laascaanood ayaa wax talaabo ah oo maamulka xukuumadda Muuse Biixiee Gobolka Sool ka qaadin askartii badheedhaha u toogtay labada qof ee rayidka ah, isla markaana tacadiyada kala duwan ee xadhiga iyo dilka iskugu jira ee maamulka muuse biixi kula kacay dadka muwaadiniinta ah ee ciidankiisu ku toogteen Laascaanood ayaa sababay mudaharaad ilaa xalay iyo maanta ka dhacay magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Sidoo kale Mudaharaadka ayaa Ciidamo badan oo isugu jira mulitariga iyo booliska Somaliland dadkii  isugu soo baxay mudaharaad salmiga ah ku fureen rasaas ay hoos ugu dhigeen, iyagoo bulshada Laascaanood ku muujinayeen bannaan-baxa inay ka xun-yihiin tacadiyada xukuumada muuse biixi  iyo dilka badheedhaha ah ee ciidamada boolisku ku dileen labada qof ee rayidka ah magaalada Laascaanood, isla markaana mudaharaadkaa ayaa rasaastii ciidamada amaanka Somaliland ku rideen shacabkii mudaharadayey rasaas nol-nool, hoosna ugu dhigeen oo  sababtay dhaawac saddex qof oo dhaawac halis ah ka soo gaadheen rasaastii ciidanka maamulka Muuse Biixi ku riday dadka shacabka, kuwaasoo dhakhaatiirta cisbitaalka magaalada laascaanood u cadeeyeen wakaalada baraarugnews.net in la tacaalayaan saddexda qof oo rasaastu kaga dhacday meel halis ah. Inkastoo mid ka mid ah labadii qof ee rayidka ahaa ee ciidamada boolisku dileen wali la aasin oo maydkoodii ku jiro talaagada cisbitaalka guud ee  magaalada Laascaanood.

Geesta kale, askar ka tirsan ciidanka booliska magaalada Hargeysa, ayaa iyaguna habeen hore laba dhalinyaro ah ku dhaawacay xaafadaha boqol iyo Kotonka ee gudaha magaalada Hargeysa, balse taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal, ayaa inta badan booliska wuxuu ka dhigaa, lana qoraa dadka xabag-layaasha ah ee inta badan ax-laaqda laheyn,isagoo ciidanka booliska Somaliland u dhaqmayaan wakhtigan in iyagu kicinayaan shacabka oo doonayaan in dagaalo ka dhacaan, kuwaasoo dad kicin wada marka la eego qaabka ay u dhaqmayaan.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here