Muuse Biixi  Iyo Agaasimihiisa Iyo Xoghayniisa Madaxtooyada Hargeysa Oo Ka Dambaysay Wajalkii Buuga uu qoray Xirsi &Mulkiilaha Shirkadda SAGAL JET Iyo ASAL JET Ee Beesha Sacad Muuse (Reer Samatar), Oo Dagaal Qaawan Ku Qaaday Hogaamiye Xirsi

0
873
 Muuse Biixi  Iyo Agaasimaha Iyo Xoghaynta Madaxtooyada Hargeysa Oo Ka Dambaysay Meel Ka Dhaca Lagu Sameeyay Buuga uu qoray Xirsi &Mulkiilaha Shirkadda SAGAL JET Iyo ASAL JET Ee Beesha Sacad Muuse (Reer Samatar), Oo Dagaal Qaawan Ku Qaaday Hogaamiye Xirsi
 Muuse Biixi  Iyo Agaasimaha Iyo Xoghaynta Madaxtooyada Hargeysa Oo Ka Dambaysay Meel Ka Dhaca Lagu Sameeyay Buuga uu qoray Xirsi &Mulkiilaha Shirkadda SAGAL JET Iyo ASAL JET Ee Beesha Sacad Muuse (Reer Samatar), Oo Dagaal Qaawan Ku Qaaday Hogaamiye Xirsi

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wiilasha uu adeerka u yahay Agaasimaha iyo xoghayntiisa aqalka Madaxtooyada magaalada Hargeysa Maxamed Cali Bile iyo mubaarik Taani, ayaa qayb ka Mid ah  buuga uu qoray hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ee Miyi Ilaa Madaxtooyo inta wax laga badelay galiyey isagoo PDF ah Googlaha, isla markaana waxa arrintan qayb wayn ka ahaa masuulka leh shirkadda Sagaljet ee wax daabacda Cabdi Yuusuf Aar, isagoo mulkiilaha shirkadda Sagaljet ay isku qabiil yihiin Muuse Biixi Cabdi ee beesha Sacad Muuse, gaar ahaan jifi-hoose oo reer Samatar ah ayey isku sii yihiin Muuse Biixi iyo mulkiilaha Sagaljet Cabdi Yuusuf Aar oo qaab caadifad ah, isagoo u hiilinaaya Muuse Biixi Cabdi u badelay buuga Xirsi qoray, ka dibna qaab tuugo ah ugu faafiyey internaydka.

Sidoo kale, arrinta ku saabsan qaabka ay meel ka dhaca ku sameeyeen Hogaamiye Xirsi masuuliyiinta shirkaddaha Sagaljet iyo ASAL iyo dhamaan shaqaalaha ka hawl-gala ayaa arrintan ay sameeyeen waxa sabab u ahaa xukuumadda Muuse Biixi, gaar ahaan beesha Habar-awal ayaa siweyn uga soo horjeedsaday buuga xirsi qoray, iyagoo aar goosi kaga dhiganaaya diidmadii uu diiday raacida Muuse Biixi iyo ka soo horjeedka hogaaminta Muuse Biixi ee Somaliland, Balse shirkaddaha daabaca wax eek u yaala agagaarka jidka mara waddada huteelka la seexdo ee arbeekadaTogdheer ee magaalada Hargeysa ayaa ah qaab qabiil ku addeega oo aan waxba lagu halayn Karin ama lacag siisanaaya waxyaabaha loo dhiibay, mana ah shirkado ganacsi khiyaamada ay ku kaceen marka la eego. marka laga tago beesha Sacad Muuse,qabiil uga dhaadhiciyey shirkadda Saggakjet oo Buuggii Miyiga ilaa Madaxtooyada wax ka bedel ku sameeyey, kadib’na Buuggii oo PDF laga dhigay ayaa laysugu diraya taleefanadiyo emailada. Sheekooyinka Buugga qaarkood ayaa durba la dhalan gediyey. Shaqaalaha Shirkada Asal ayaa noqonaysa shirkad aan lagu aamini karin xog iyo qoraal intaa ka buuran.

Sidoo kale, Hogaamiye Xirsi ayaa ku qoray qoraal kooban barta uu ku leeyahay baraha bulshadu wada xidhiidho ee Facebuugiisa in arrinta la galiyey buuga lagu sheegayo innuu yahay kii Xirsi qoray tahay mid tuugo ah oo meel lagaga dhacay. Halkan ka akhri qoraalka facebuugiisa

Office Hargeysa Baraarugnews.net Emial:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here