Muuse Biixi Oo Ka Dalbaday Wada Shaqayn Dawladda faderaalka Soomaaliya

0
342
Muuse Biixi Oo Ka Dalbaday Wada Shaqayn Dawladda faderaalka Soomaaliya
Muuse Biixi Oo Ka Dalbaday Wada Shaqayn Dawladda faderaalka Soomaaliya

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay bogaadineyso Muuse Biixi Cabdi oo ka aqbalay in wada shaqeyn dhow yeeshaan dawladda Soomaaliya.Isla markaana qoraalka ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagus heegay in Muuse Biixi dalbaday wada shaqaynta Madaxweynaha Somalia Cabdillaahi farmaajo.

Sidaa waxa lagu sheegay Qoraal warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Soomaaliya oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Iimeelka Wararka shabakada Baraarugnews.net ayaa u dhignaa sidan “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Muuse Biixi Maxamed Kaahin Axmed, ayaa caawa qaab qarsoodiya ula kulmay

Baraashug00@gmail.com or Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here