Muuse Biixi Oo Xilal habaqle ah Magacaabay &Xilka Uu Hore uga hayey Taliyaha Loomagacaabay Ciidanka Asluubta

0
549

Hargeysa (Baraarugnews.net)- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii ciidanka Asluubta, isagoo taliye cusub u magacaabay oo hore xil uga hayey ciidamada militariga Somaliland, kaasoo lagu magacaabo Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf u magacaabay taliyaha ciidammada asluubta Somaliland.

Sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax Riyaale) ayaa hore u ahaa Abaanduulaha koowaad ee ciidamada qaranka Somaliland.

Taliyihii Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ayaa waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi uga mahadceliyay muddadii uu qaranka u shaqeeyay.

Halkan hoose ka akhri waraaqda xilka lagaga qaaday Ta;liyihii ciidanla asluubta xudhuun, laguna magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Axmed Cawaale Yuusuf oo u dhignayd sidan:-Geesta kale Muuse Biixi ayaa haddanna isla saacad ka dib ku magacaabay Wareegto Madaxweyne: 28/03/2019 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019​, ku magacaabay​ Maareeye ku xigeenka Haamaha Keydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Nuqul ka mid ah wareegtada xafiiska Muuse Biixi ka soo baxday oo Iimeelka Wakaalada Wararka ee Baraarugnews.net soo gaadhay xafiiskeeda magaalada Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid Markaan Arkay:​Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:​Ahmiyadda ay Haamaha Kaydka Shidaalku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay:​Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:​In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: ​La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here