“Muuse Biixi Waa Madaxweynaha Maamul-goboleed (Somaliland), Ka Tirsan Madaxweynaha Dawladda Faderaalka Ee Soomaaliya. Dhamaan Culumada, Madax-dhaqmeedka Iyo Shacabku…”

0
437
“Muuse Biixi Waa Madaxweynaha Maamul-goboleed (Somaliland), Ka Tirsan Madaxweynaha Dawladda Faderaalka Ee Soomaaliya. Dhamaan Culumada, Madax-dhaqmeedka Iyo Shacabku…”
“Muuse Biixi Waa Madaxweynaha Maamul-goboleed (Somaliland), Ka Tirsan Madaxweynaha Dawladda Faderaalka Ee Soomaaliya. Dhamaan Culumada, Madax-dhaqmeedka Iyo Shacabku…”

Hargeysa, (Baraarugnews.net)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa kalmad sarbeeb ah oo macno ahaan u dhacaysa in Muuse Biixi uu ka dhigay taliska uu hor-joogaha ka yahay  maamul-goboleedka  ka tirsan dawladda faderaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana Cabdiraxmaan oo erayo xigmad ah ku tilmaamay sifaha maamulka maanta dhaxal wareejiyey qaranimadii ay dhiiga badan ku daatay ee boqolaalka kun oo shacab reer Somaliland ah ku nafwaayeen maanta xabaalaha ku jiraan.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu yidhi sidan. “Culumadii, Guddidii, iyo salaadiintii arrinta nabadgelyada ku hayey ceel-afweyn ku hayey waxaan ugu baaqaynaa inay arrinta ka taagan ceel-afweyn si dhakhsa ah ay u galaan. Maaha in colaadu ay iska taagnaato oo nabad la’aan ay maanta la silcayaan shacabka reer Somaliland.”

“Inaad saamo jiidiyo, saqadh-tirasho kala daa.”Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlayey Muuse Biixi iyo Wasiirkiisii arrimaha gudaha Kaahin oo kulan shir ah la yeeshay Wasiirka Wasaarada maaliyada dawladda Faderaalka Soomaaliya Bayle, taasoo arrin ceeb iyo qaran-jab ku  ah masiirka dawladnimada iyo jiritaanka madax-bannaanida ay raadinayso Somaliland, tasoo ay sabab u tahay in dagaal adag oo siyaasadeed ka dhex aloosan yahay Somaliland iyo Soomaalia madaama ayna ogolayn dawladda Madaxweyne Farmaajo in ay ka go’do Somaliland, soomaaliya.

Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com

 

 

 

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here