“Muuse Biixi wuxuu dhamaan hawda ka saaray sharcigii iyo dastuurkii Somaliland. Waxaad u diyaar…”

0
302

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-“Dhamaan hawada ayuu ka saaray. duunka kuma cusba in uu hogaamiye ku fikiro oo uu doono in uu meel mariyo wax aanay dadkiisu ku fikiraynin. Waxaase u baahan in aynu ogaano muxuu noqan karan waxa aanay dadku ogeyn ee uu Hogaamiye ku fikiri karaa?

Hogaamiye kastaa labadan dariiq ee hoos ku xusan ayuunbuu mid ku fikiraa

1. Dariiqa Fariidnimada kaas ah in uu dadkiisa dhegaysto mudnaantana uu siiyo midnimadooda, horumarkooda iyo in uu kursiga ka tago isagoo dadkiisii ku ogaaday kob cagaaran (Green place).

2. Dariiqa Doqanimada kaas oo ah in uu dadkiisa yaso Mudnaantana uu siiyo kala fogeyntooda, ku takri falka hantidooda, ku dheganaanta kursiga, laalida sharciga, la dagaakanka iyo bahdilaada cidii uu arko in ay jujuubkiisa qawaday, soo dhaweynta iyo weheshiga inta uu u arko in ku odhan karin waad khaldan tahay, aakhirkana wuxuu kursiga ka tagaa dadkiisa oo uu badhba meel u qaxay.

Muuse Biixi wuxuu dhamaan hawda ka saaray sharcigii waxaanu si toosa u cadaystay in wixii Maskaxdiisa ku soo dhacaa ay sax yihiin sidaa darteed waxaad u diyaar ahaata Nr.2. Waa hadii aanu Ilaahay soo hadaynin.”sidaa ayuu yidhi xubinta xisbiga waddani u qaabilsan qaarada Yurub Cismaan Cumar Dool.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here