Muxuu Daarnaa Kulankii Dhex-maray Muniir Oo Ka Tirsan MadaxdaWaddani Iyo Qurba-jooga Bulshada Reer Somaliland ee Ku Dhaqan Dalka Ingiriiska?

0
315

London,(Baraarugnews.net)-Qurba-jooga Reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska, ayaa casumaad ku maamuusay Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan madaxda xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Isla markaana Muniir Axmed Cigaal ayaa warbixin kooban ka siiyay shacabka ka soo jeeda Somaliland eek u dhaqan dalka Ingiriiska xaaladaha siyaasadeed ee wakhti xaadirkan ku gadaaban.

Odayaasha iyo haldoorka degmada bariga London ee caasimadda Ingiriiska ayaa soo dhawayn iyo martiqaad u sameeyey Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, isla markaana socdaal ku jooga wadamada qaaradda Yurub.

Muniir Axmed Cigaal ayaa isaguna dhankiisa uga mahadnaqay odayaasha East London martiqaadka iyo soo dhawayna ay u sameeyeen, kadib markii uu ka soo kicitimay wadamada Scandinavian-ka, isagoo ka dareen celinaya soo dhawaynta loo sameeyey  waxa uu yidhi, “Marka lagu soo dhaweeyo ee lagu sharfo mahadnaq uun-ba ka ratibmaaya inaad adiguna celisid. Waxaan leeyahay mahadsanidin odayaasha haldoorka East London oo martiqaad gobonibo leh ii sameeyay ….. Gobay liico ha jabaan waa halkii Saxiibkay Barkhade.”

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here