Muxuu daarnaa kulankii Komishanka doorashooyinka Somaliland Iyo Muuse Biixi

0
28

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo xusay inay u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here