“Natiijada Baadhista Ay Samaysay kooxda Madaxa Bannaan ee Dilka Wiilka Soomaaliga ee lagu dilay magaalada Cardif UK,waa…”

0
61

London,(Baraarugnews.net)- Qurbajooga Soomaalida eek u dhaqan magaalada kardhuf (Cardiff), oo ka tirsan Uk, ayaa ka bannaan-baxay wiil dhalinyaro ah oo da’diisu tahay afar iyo labaatan jir oo lagu dilay magaalada Cardiff,isla markaana dadka jaaliyada soomaalida ah ayaa isu-soobaxa ay ka sameeyeen magaalada Cardiff waxay ciiamada ammaanka ka dalbadeen in baadhis lagu sameeyo sababta keentay dil wiilka soomaaliga ah.

Ciidamada booliska iyo sarkaalka dambiyada qabilsan ee lagu magacaabo Alun Michael, ayaa dadka soomaalida ah ee halkaas ku  banaan-baxayey ka dalbaday inay dul-qataan.

“dulqaad muujiyaan. Waa inaad fursad siisaan baadhista,”ayey ku yidhaahdeen qurbajooga soomaalida ah ee mudaharaadka ka dhigay magaalada Cardiff.

Geesta kale, Qoyska marxuumka Maxamuud Maxamed Xasan , ayaa  sheegay in wiilkooda la weeraray kaddib markii lagu xidhay magaalada Cardiff oo ka tirsan UK.isla markaana boqollaal ruux ayaa Talaadadii isugu soo baxay badhtamaha magaaladaas, iyagoo socod ku tagay ilaa saldhigga booliska Cardiff Bay, ee arrintu ka dhacday.

Mr Michael, oo ah maamulaha guud booliska Wales, ayaa sheegay in ay xaqiiqo tahay arrinta ku saabsan in laanta dabagalka falalka booliska ee magaceeda loo soo gaabiyo IOPC ku howlan tahay baardhtaan la xidhiidha wax-yaabihii dhex maray marxuumka la dilay Xasan iyo booliska ka hor inta uu san dhimanin sabtidii todobaadkan.

Sidoo kale, ciidanka booliska koonfurta Wales ayaa sheegay in wiilka la dilay ee marxuum Xasan xabsiga loo taxaabay, isagoo gurigiisa kau sugann habeenkii Jimcihii ,iyadoo la geeyay saldhigga booliska ee Cardiff Bay.Balse sabtidii la siidaayey xilli ay saacadu aheyd labadii iyo badhkii maalin-nimo, intaan la dilin ee aanu dhiban. “Waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi u diro qoyska Mr Xasan iyo saaxiibbadiisii, waliba dhammaan bulshada ay dhacdadan saameynta ku yeelatay, gaar ahaan dhimashadiisa iyo waxyaabihii dhacay dabayaaqadii isbuucan,” ayuu yidhi Mr Michael, oo ah taliyaha laanta dambiyada ee Booliska Cardiff.

Mr Michael wuxuu hadalkiisa siiraaciyey oo uu yidhi.“Hadda waxaan ognahay in uusan jirin dhaawac jirkiisa ka muuqda oo sharrixi kara sababtii uu u dhintay, waana muhiim in aan sugno natiijada kama dambeysta ah ee ay soo wadaan kooxda baadhitaanka madaxa bannaan sameysay.”

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here