Natiijada:- Kulankii Dhex-maray Salaadiinta Beesha Garxajis Iyo Taliye Caare &Muxuu Yahay shir-qoolka Iyo khiyaamada La Damacsan Yihiin Muuse Biixi Iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare Hogaamiyaha Jabhada Caare Iyo Salaadiinta Garxajis?

0
420
Natiijada:- Kulankii Dhex-maray Salaadiinta Beesha Garxajis Iyo Taliye Caare &Muxuu Yahay shir-qoolka Iyo khiyaamada La Damacsan Yihiin Muuse Biixi Iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare Hogaamiyaha Jabhada Caare Iyo Salaadiinta Garxajis?
Natiijada:- Kulankii Dhex-maray Salaadiinta Beesha Garxajis Iyo Taliye Caare &Muxuu Yahay shir-qoolka Iyo khiyaamada La Damacsan Yihiin Muuse Biixi Iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare Hogaamiyaha Jabhada Caare Iyo Salaadiinta Garxajis?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madax-dhaqmeedka iyo Odayaasha Beesha Garxajis, ayaa kulamo kala duwan oo ay la yeeshay hogaamiyaha jabhada la baxday dulmi-diid ee Taliyihii hore uga goostay ciidanka qaranka Somaliland ee Gobolka Sanaag hogaamiyo Taliye Caare ayaa galay xaalad khatar ah oo ku gadaaman sii socodka in xal waara laga gaadho dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Muuse Biixi iyo Jabhada uu hogaamiyo Taliye  Siciid Cawil Jaamac (Caare),

Shirar doceedyo kala duwan oo ay la yeesheen Salaadiinta Beesha Garxajis Taliye Caare, ayaa la sheegay in hogaamiyaha jabhada Taliye Caare u sharaxay madax-dhaqmeedka beeshiisa eek ala hadlay waxyaabaha keenay innuu ka goosto ciidankii uu ka tirsanaa, isla markaana Taliyaha hogaaminaaya jabhada Taliye Caare, ayaa la sheegay innuu soo bandhigay cadaalad-daro weyn oo uu kala kulmay Taliyaha ciidanka militariga Somaliland Nuux Taani iyo qaraabo kiil loogu kala eexanayo saraakiisha ay isku beesha yihiin Taliye Nuiux Taani iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo laga xigtaysanayo kuwa  kale ee ka soo jeeda beelaha kale ee aan aheyn beesha Taliyaha ciidanka  Nuux Taani iyo Madaxweyne Muuse Biixi lagu hayo cadaalad-xumo weyn oo kala kulmayaan Taliyaha Nuux Taani iyo Madaxweynaha isna isku beesha yihiin ee Muuse Biixi. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Taliyaha hogaaminaaya jabhada dulmi-diid Caare iyo madax-dhaqmeedka iyo Odayaasha Beeshiisa Garxajis kulankii ay la yeesheen hogaamiyaha jabhada Taliye Caare ku soo dhamaaday is afgarad iyo balan qaad ah in cabashadiisa iyo qodobada ay isla qaateen madaama ay wakiilka yihiin oo madax-dhameedkii matelayey yihiin ay u gudbinayaan dhanka kale ee Madaxweyne Muuse Biixi cabdi arrinkooda, kana warsugo salaadiintiisa arrinkkisa gacanta ku haya ee beesha Garxajis ayuu ku soo dhamaaday wada hadalkii dhex-maray salaadiinta taliyaha jabhada Caare.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhaw xafiiska  Madaxtooyada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Hargeysa, ayaa sheegay in shir ay saaka yeesheen, Madaxweynaha Somaliland, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa shirkaa isugu yimaadeen kaga hadlay waxa laga yeelayo arrinta taliyaha hogaamiya jabhada beesha Garxajis Taliye Caare iyo qodobada ay soo gudbiyeen salaadiinta beesha Garxajis ee ku aadan taliyaha ka soo jeeda beeshaa ee hogaaminaaya jabhada ku jira buuraha waqooyi ee gobolka Snaag ee bariga Somaliland.Balse xogahaa ayaa xusay in shirkaa isugu yimaadeen Madaxweyne Muuse Biixi, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan, Guddoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Axmed,   Xeer ilaaliyaha Guud Xasan Axmed Aadan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha laga soo saaray wax loogu yeedhay go’aan  Madaxweyne.

Go’aan kaasoo ah “In Kornayl Caarre yahay dambiile Qaran, islamarkaana Odayaashiisa looga fadhiyo inay soo dhiibaan, haddii ay soo dhiibi waayaana dawladda talaabo military qaadi doonto”.Sidaa ayuu Muuse Biix soo jeediyey iyo Guddoomiyaha maxkamada sare oo isna xagga sharciga ku dooday in go’aanka Madaxweyne Muuse Biixi soo jeediyey sax yahay oo arrintaasi ay meesha ka saarayso in Saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland raacan dhabihii Taliye Caare, haddii kale ay furidoonto wado halaq, haddii uu yeelo qodobada iyo go’aanka Salaadiinta iyo odayaasha beesha garxajis soo gudbiyaan eek u aadan cabashada taliyaha beeshooda ka soo jeeda ee hogaamiya jabhada ku sugan deegaanka Gobolka Sanaag.

Xogahaa ayaa tibaaxay in go’aanka  iyo arrinta ku aadan taliye Caare  ee uu soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cadbi uu ku  yidhi shuruucda iyo nidaamka ciidanka qaranka u yaala adigoo ka leexanayn waa waajib inaad raacdo, taasoo uu tilmaamay in arrimaha militariga ay khalad tahay in la soo dhex-galiyo siyaasad iyo cabashooyinka beelaha.

Hase yeeshee, qodobada ay soo gudbiyeen madaxdhaqmeedka beesha Garxajis ayaa la sheegay inay ka mid yihiin in Jabhada Taliye Caare hogaamiyo dalbatay in dulmiga dalka ka jira laga wada hadlo, xal u helistiisa iyo in Madaxweyne Biixi Ciidamada uu Ceerigaabo dhoobay dib ugala baxo iyo innuu fuliyo qodobadii ka soo baxay shirkii beesha Garxajis ee buurta gacan-libaax, iyadoo la tilmaamay in arrintaas ku saabsan shirkii Buurta Gacan libaax ee beesha garxajis Muuse Biixi-na u arko arin dano siyaasadeed ku hoos qorsoon yihiin, ka dibna in xal la gaadho arrimahaasi carqalad ku yihiin heshiiska jabhada Taliye Caare iyo Muuse Biixi Cabdi.

Office Hargeysa Caarshe7@hotmail.com Ama Emial: Baraarush00@gmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here