“Ninkii Muuse Biixi wuxuu Shaani Ku soo tuuraba Axmed Siilaanyo, wuxuu Cabdiraxmaan Tuur dagaal badheedha ku qaadaba, Alla imika muxuu Salaan ka dhergay..”

0
765
“Ninkii Muuse Biixi wuxuu Shaani Ku soo tuuraba Axmed Siilaanyo, wuxuu Cabdiraxmaan Tuur dagaal badheedha ku qaadaba, Alla imika muxuu Salaan ka dhergay..”
“Ninkii Muuse Biixi wuxuu Shaani Ku soo tuuraba Axmed Siilaanyo, wuxuu Cabdiraxmaan Tuur dagaal badheedha ku qaadaba, Alla imika muxuu Salaan ka dhergay..”

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- “Aduunyo waar muxuu shidh ka dhergay. Baribaa nin Xayraanimo ku raagtay Ilaahay macbuudka ahi u gacan celiyay markaasu ninkii lugayn jiray ee indha siigadu ka galijirtay uu yeeshay in ka badan 30 gaadhi oo kala noocnooca.

Mid ay Xayraanimadii saaxiib ahaayeen oo weli sidii ul lugeeya ayaa maalinba arka ninkii ay daawaha wada saarnaayeen oo kolba gaadhi nooca shidhkiisa saaran. Maalintii dambe ayuu yidhi “Waaryaadhaheen waar ninkii hebel muxuu Shidh ka dhergay”

Imika waar ninkii Muuse Biixi wuxuu Shaani Ku soo tuuraba Axmed Siilaanyo, wuxuu Cabdiraxmaan Tuur dagaal badheedha ku qaadaba, Alla imika muxuu Salaan ka dhergay. Cajiib.

Tolow muu salaamihiisana iska gurtee, wax iska celinta badan uun iska daayo oo isagu is aqoonsado.

Mida kale ninkii Muuse waxa la fahamsiiyay in dadka Somaliland ku nooli ay keliya Dawlanimada u yaqaanan Somaliyada kale oo la caayo.

Wuu asiibay keliya waxa u hadhay uun inuu intuu safar yar oo dibada u soo baxo uu dadka ku yidhaahdo “Meeqaam sare ayaa nalagu qaabilay Citiraafkiina waan soo arkay, waanan sigay inaan soo qaado”Sidaa waxa ku qoray goobta uu ka isticmaalo xubin ka mid ah qurbajooga beesha Ciidagale, laguna magacaabo Cismaan Cumar Dool ama Osman Omar Dool, isagoo ka muraar dilaacsan Hablaha reer Somaliland ee sida foosha xun Wasiir Guray Barwaaqo ugu caayey Buuga uu qoray


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here