Qaabkii Hargeysa Loogu Qabtay Xoghayihii Guud ee Raysal,wasaare ku-xigeenka Soomaaliya

0
704

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Xukuumada Somaliland, Ayaa maanta qabatay xoghayihii Guud ee Raysal,wasaare ku-xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, isla markaana xukuumada Muuse Biixi ayaa Xabsiga Dhigtay xoghayaha Raysal-wasare ku-xigeenka oo lagu magacaabo Cabdi Qani Yaasiin Maxamed.

Xog-hayaha Ra,isal Wasaaraha Somaliya Ayaa Si Dhuumaalaysi Ah Usoo Galay Gudaha Somaliland,Waxaana La Ogaaday Inuu Ku Sugan Yahay Gudaha Magaalada Hargeisa Oo Ay Qaraabadiisu Degan Yihiin, balse markii uu magaalada hargeysa gudaha u soo galay may ogayn xukuumadda Karnayl Madaxweyne muuse biixi, laakiin Ciidamada Amaanka ayaa Habeenkii Xalay Gurigiisa kala baxay, markii ay ogaadeen ciidamada amaanka ee magaalada Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku daray in saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa lagu xidhay xoghayihii guud ee Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here