Qaabkii Loo Weeraray Maanta Jabhada Dagaalka Kula Jirta Maamulka Muuse Biixi Ee Hogaamiyo Taliye Caare Iyo Beesha Ay Ka Soo Jeedaan Maleeshiyaadka Weeraray &Yaa Ka Dambeeyay?

0
237
Qaabkii Loo Weeraray Maanta Jabhada Dagaalka Kula Jirta Maamulka Muuse Biixi Ee Hogaamiyo Taliye Caare Iyo Beesha Ay Ka Soo Jeedaan Maleeshiyaadka Weeraray &Yaa Ka Dambeeyay?
Qaabkii Loo Weeraray Maanta Jabhada Dagaalka Kula Jirta Maamulka Muuse Biixi Ee Hogaamiyo Taliye Caare Iyo Beesha Ay Ka Soo Jeedaan Maleeshiyaadka Weeraray &Yaa Ka Dambeeyay?

Qardho,(Baraarugnews.net)-Maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Majeerteen, ayaa manta weerar gaadmo ah ku soo qaaday jabhada uu hogaamiyo taliyihii hore uga goostay ciidanka qaranka Somaliland Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre), isla markaana waxa la sheegay in xilli uu ku sugnaa magaalada Qardho maleeshiyaad beeleed hubaysan ay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaa hogaamiyaha Jabhada ka soo horjeeda Madaxweyne Muuse Biixi oo fadhigeedu yahay deegaanka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Warku wuxuu intaa ku darayaa in hogaamiyaha jabhada ee Taliye Caare ay magaalada Qardho kaga kaxaysteen maleeshiyaadkaas oo la sheegay inay ka soo jeedaan beesha Majeerteen gaadhi u gaar ahaa oo uu kaxaysto Taliye caare ka qafaasheen maleeshiyo beeleedkaa ka soo jeeda beelaha ku dhaqan Puntland.

wariye ka tirsan Warbaahinta Baraarugnews.net ee ka hawl-gala Gobolka Sanaag oo khadka Telifoonka gacanta kula xidhiidhay qaar ka mid ah goob joogayaal ku sugan magaalada Qardho ee deegaanka maamulka Puntland, oo lagu magacaabo Idiris Saleebaan Maxamuud, ayaa u sheegay in maleeshiyaadka soo weeraray hogaamiyaha Jabhada Taliye Caare ay aheyd qaab gaadma ah, ka dib rasaas degdeg ugu fureen ku kaxaysteen gaadhi uu watey Taliye Caare iyo rag kale oo ka tirsan ciidanka Jabhadiisa,ka dib rasaasta oo wakhti yar socotay markiiba gaadhigaas oo ahaa mid Taliyaha jabhadu is ticmaalo ama uu fuulo marka uu hawl u socda markii maleeshiyaadku gacanta ku dhigeen, goobtii degdeg uga yaaceen, halkaana ku kaxaysteen.

Nin kale oo magaciisa ku soo koobay Maxamed Jaamac oo isna ka mid ahaa dadka deegaanka Qardho, ayaa sheegay in Taliyaha Jabhada kornayl Siciid Cawil Jaamac (Caare), uu xidid la yahay oo gabadh ka qabo beesha Majeerteen,kaasoo tilmaamay inay iska soo celinayaan gaadhiga ay ka dhaceen Taliye Caare maleeshiyaadka Majeerteen, madaama uu xidid la yahay beesha majeerteen ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Puntland.Balse wararka qaar ayaa sheegaaya in markii Odayaasha beesha Majeerteen ee deegaanka Qardho la hadleen maleeshiyaadka gaadhiga ka dhacay Taliye Caare ku andacoodeen in gaadhi kaga maqan yahay beesha Taliye Caare. Isla markaana waxay sheegeen innaaney arrag wax khasaare ah oo ka dhashay is rasaaseynta dhex-martay labada dhinaca oo ilaa hadda la og yahay ama la keenay cisbitaalada magaalada Qardho aaney jirin.

Geesta kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya in dawladda Faderaalka Soomaaliya ay u magacowday Jeneraal ka tirsan Dawlada Faderaalka ah ee Soomaaliya Taliye Caare, isla markaana uu ka wareegay Somaliland iyo maamulka Puntland, iyadoo la sheegay in xitaa mushahar loo qoray ciidanka uu wato. Balse xogahaa ayaa tibaaxay madaama ay is hayaan oo khilaaf xoogan ka dhex-aloosan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas iyo Madaxweynaha Iyo Raysal,wasaaraha dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ay dhicikarto in raga hubaysan ay soo dirtay dawladda Puntland oo wakhti yar ka hadhay doorashada madaxweynimada puntland, ay uga shakiyeen inay adeegsan karaan madaxda faderaalka ah habjada uu hogaamiyo Taliye Caare, taasina keeni-karto inay weerarkan ka dambeeyo Madaxda maamul-goboleedka Puntland.

Dhinaca kale, xidhiidh aanu la samaynay Taliye Caare iyo jabhadiisa noomay suurta galin innaanu helno oo nasiib daro Telifoonadooda oo aan la helikarin, balse arrintaasi waxay kala cadaan doontaa markay ka hadlaan Taliye Caare iyo ciidanka uu wato.

Baraarugnews Email. Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here