Jigjiga, (Baraarugnews.net)- Wararka ka imanaaya xarunta dawlad-deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in maanta gacanta lagu dhigay oo la qabtay madaxweynihii shalay iscasilay Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay),isla markaana waxa la sheegay in ciidamada militariga Itoobiya xoog ku kaxaysteen Cabdi Maxamuud Cumar.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada militariga Itoobiya ayaa diyaarad alakabtar ah ka saareen madaarka Jigjiga, loona qaaday dhinaca Adis-ababa. Balse wararka kala duwan ee ka soo baxaaya dalka Itoobiya ayaa sheegay, haddii Raysal-wasaaraha dalka Itoobiye uu xidho Madaxweynihii xilka ka degay Cabdi Ilay waxay muujinaysaa oo ka dhigan tahay in Raysal,wasaaraha dawlada faderaalka ah ee Itoobiya Abiy innaanu aqoon sanayn ama ogolayn Madaxweynaha cusub ee ee loo doortay Dawlad-deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Sheikh Maxamed oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Madaxweynaha Cusub ee loo magacaabay ismaamulka dawlad-geegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Sheekh Maxamed waxa qaba walaashii Madaxweynihii xilka iska casilay Cabdi ilay oo seedigii ayaa doortay madaxweynaha badelay Cabdi Ilay ee dawlad-deegaanka ismaamulka soomaalida Itoobiya, taasoo la tilmaamay in Madaxweynaha cusub loo arkay nin Cabdi ILAY kEENsaday oo isagu saaray jagada madaxweynimada Axmed Cabdi Sheekh Maxamed.
Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com