Qaabkii Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal,wasaare Khayre Uga Takhaluseen Guddoomiyihii Baarlamaanka Somalia Jawaari &Dagaal Iyo Loolan Adag Oo Mar Kale Ka Dhex-qarxay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

0
96

Muqdisho,(Baraarugnews.net)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa maanta is-casilay, isla markaana is-casilaada Guddoomiyaha Barlamaanka Muqdisho ayaa lagu sababeeyay cadaadis iyo culays badan oo kaga yimi dhinaca madaxweynaha SOomaaliya Farmaajo Iyo Raysal.wasaare Khayre iyo siyaasadda imaaradka carabta, Qadar iyo waddamada reer Galbeedka inay qayb ka tahay is casilaada Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia, laguna khasbay innuu ka dego xilka Guddoonimada, iyadoo qayb ka aheyd in lacag la siiyey, si uu u baneeyo kursiga Baarlamaanka Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Is-casilaadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Muqdisho Jawaari ay ka danbeysay kulan bilowday xalay saqdii dhexe oo socday muddo saddex saacadooda ah, iyadoo  kulanka labada masuul ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka labaad  ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Balse xogahaa ayaa sheegay in kulankaa oo saacado badan qaatay lagu qanciyey Prof. Maxamed Jawaari  innuu is-casilo, ka dibna Guddoomiyihii xilka ka degay baarlamaanka MUQDISHO Jawaari aqbalay inuu ka tanaasulo xilka si xal loogu helo khilaafka hadheeyay Barlamaanka soomaaliya todobaadyadii u dambeeyay oo gaadhay xaalad halis galisa jiritaanka dawlada aan iskeed isu-maamulin ee ka talisa magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu u tanaasulayo danta guud, mar haddii ay suuragal noqon weyday in la mideeyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa qoray qoraal kooban oo ku saabsan is casilaadiid, waxaana marqaati looga dhigay Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad iyo xubno kale, wuxuuna dalbaday in is-casilaadiisa aan la shaacin ilaa Arbacadda oo uu hortegi doono Baarlamaanka oo mideysan ugana dhawaaqi doono xarunta Baarlamaanka Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey oo gaadhay xarunta Baarlamaanka saaka ayaa u sheegay xildhibaanno ku dhow 100 oo goobta ku hormaray inuu is casilay guddoomiye Jawaari, isagoo ku qanciyey xildhibaannada inuu shirkii baaqday oo Arbacadda uu kulanka xiga dhici doon, isla markaana Baarlamaanka Soomaaliya ayaa galay mar xalad kale oo cusub, oo keeni karta in mar kale uu cagaha la galo khilaaf-xoogan Baarlamaanka muqdisho, madaama uu meesha ka baxay Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya oo la dooran doono Guddoomiye cusub, innuu ka dhasho loolan adag oo dhex-mara Dawladda Madaxweyne Farmaajo, iyo Raysal,wasaare Khayre xildhibaanada la safan dhinacooda iyo xildhibaanada kale ee mucaaridka ah ee la safnaa ama isku garabka ahaayeen Guddoomiyihii is-casilay Jawaari oo la sheegay innuu isagu haystay tirade ugu badan dhinaca xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, taasoo la tilmaamay in mudanayaasha ay kala hogaaminayeen Guddoomiye ku-xigeenka kowaad iyo Guddoomiyihii is-casilay Jawaari ku hirdamayaan hanashada Guddoomiyha aqalka Baarlamaanka Soomaaliya oo labada dhinac ee isku haya awooda aqalka baarlamaankooda uu doonaayo innay xubinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Muqdisho noqonaysa ka timaado dhinacooda.

Hase yeeshee, Garabka xildhibaanada uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Muqdisho, ayaa taageero iyo garab ka helaaya Madaxweynaha Somaliya Farmaajo iyo Raysal,wasaare Khayre oo dhinacooda iyaguna dedaal xoogan ugu jira in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo dooran doona, haddii alle ka dhigo ay noqoto xubin iyagu soo xushaan oo doonayaan inay wax wal-ba oo danahooda siyaasadeed u hirgaliya oo sax iyo khalad-ba ku raaca oo ookayda ugu dhifta inay saran Kursigii uu iska casilay Jawaari, isla markaana loolanka adag iyo dagaalka siyaasadeed ee labada garab ee xildhibaanada Soomaaliya oo ka bilaamantay magaalada Muqdisho markii uu soo baxay warka is-casilaada Guddoomiyihii xilka iska casilay EE BAARLAMAANKA MUQDISHO Jawaari.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here