Qabkii Ay u dhacday Dhagaysiga Masuuliyiintii Xukuumadda Muuse Biixi Ee Eeddaynta Dacwada ay ku soo oogeen Wariye Cabdifataax Caarshe oo 44 maalmood), ku xidhnaa xarunta C,I,D ee Somaliland

0
157
Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Suxufi Cabdifataax Ismaaciil Caarshe ayaa dib-u-helay xoriyadiisii, ka dib markii ciidamada booliska Somaliland afartii bishii sagaalad ee aynu soo dhaafnay afarteedii (4 september/9/2020-ka), ka qabteen xilli saqbadh ah isagoo ku sugan guri ku yaal magaalada Hargeysa oo deganaa Wariye Cabdifataax ismaaciil Caarshe oo muddo gaadhaysa bil iyo dheeraad ku xidhnaa saldhig ku yaal caasimada Somaliland ee Hargeysa. Wariye Cabdifataax ismaaciil Caarshe ayaa shalay maxkamada degmada magaalada Hargeysa dib ugu soo celisay Xoriyadiisa, isla markaana Wariye Cabdifataax oo muddo gaadhaysa Afar iyo afartan maalmood (44 maalmood), ku xidhnaa Xarunta Sii’aydhiida (xarunta C,I,D), ee caasimada somaliland ee Hargeysa, . Dawlada Somaliland ayaa ku soo eeddaysay Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe eedo kala duwan oo xeer ilaalintu ku soo oogtay galdacwado ay dhibanayaal ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse biixi Cabdi. Balse markii Xeer ilaalintu garsoorka horkeentay kana hor akhriday in cidda dhibanayaasha ah eesoo eedeeyay ee haysta Wariye Cabdifataax Ismaaciil caarshe ay kala yihiin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaarada Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiir Hinda Gaani iyo warar uu ka faafiyey ciidanka, kuna ladhay innuu warar laf jab ah ka faafiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,.Iyadoo Xeer ilaalinta guud u cuskatey qodobka qaran-dumis oo ay ku soo oogtay dacwada ay maxkamada horkeeneen ee lagu soo oogay ayaa aheyd salkana ku haysay qaran dumis aflagaado madaxda hogaamisa dawlada somaliland. Garsoorka Maxkamada Degmada hargeysa markii ay dhagaysteen marqaatiyaal ka socday Wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixe oo ahaa saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo ciidamada xuuraanka , kuwaasoo ay ka mid ahaayeen askartii saq-badhka guriga uu degan yahay Wariye cabdifataax Ismaaciil caarshe ka soo qabtay ee magaalada hargeysa. Markii garsooraha lagu qoray uu dhagaystay eddaha iyo dacwada lagu soo oogay Wariye cabdifataax iyo Looyarka Ururka SOLJA ee Difacaayey Wariyaha Caarshe iyo eedihii loo haystay Suxufiga Ugu Dambayn Siidaysay Maxkamadda Degmada Hargaysa, markii masuuliyiintii xukuumada Somaliland ee Markii Hore Soo Eedeeyay Wariye Cabdifataax ismaaciil Caarshe ayaa ku Guuldaraystay inay Keenaan Wax Cadayn ah oo Ay ku Hayaan Dambiyada ay ku Soo eedeeyeen Wariyaha. Suxufi Abdifataax Ayaa Xusay i Xadhigiisu uu salka ku hayey shir-qool ay soo maleegeen kana dambeeyeen Wasiiradda Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirka macdanta iyo Wasiirka wasaarada shaqo galinta iyo arrimaha bulshada somaliland Hinda Gaani, isla markaana uu salka ku hayey arrimo siyaasadeed. Maxkamada Ayaa wariyaha ku xukuntay hal milyan oo ganaax shilin Somaliland ah, ugu dambayntiina xoriyadiisii dib ugu soo celisay, Maadaama Ciddii soo Eedaysay Aanay Hayn Cadaymo Ku Filan dabiga ay ku soo eedeeyeen oo uu ku Mutaysan karo Ciqaab, ayey ku dhawaaqday maxkamadu go’aansatay in xoriyadiisii loo soo celiyo.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa kaalin baaxad weyn ka qaatey ka hawl-galka xadhiga suxufiga Cabdifataax Ismaaciil Caarshe, isla markaana ma jirto wax raali galin ah oo uu ka bixiyey Wixii lagu soo eeddeeyay Cabdifataax Ismaaciil Caarshe, madaama garsoorku dhagaystay eedaha iyo dacwadaha lagu soo oogay Wariyaha.
Resouce Xigasho Oodweynenews.com

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here