“Qabyaalada iyo quudhsigan…Haddii wax la wada leeyahay la waayo, Dadku heshiin mayaan.…”Muuse Biixi

0
327
“Haddii wax la wada leeyahay la waayo. Dadku heshiin mayaan.
“Haddii wax la wada leeyahay la waayo. Dadku heshiin mayaan.

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Kornayl Muuse Biixi Cabdi, ayaa jeediyey hadal yar oo kooban, macno ahaan au dhacaaya in buugta lagu soo bandhigo magaalada Hargeysa ee wakhtigan la qoro yihiin buugaag qabyaaladaysan, isla markaana wuxuu sheegay in inamo yar-yar oo aan aqoon ahaan iyo qoraal ahaan qaabka loo qoro buugaagta ka hadlaysa taariikhda shakhsiyaadka ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland marka wax laga qorayo qaab beelaysan, qabyaaladaysan ay yihiin buugta wakhtiga lagu soo bandhigo magaalooyinka guud ahaan Somaliland. “Waxyaalaha baryahan dambe, inagu soo baxay waxa weeye.Xataa taariikhdii ayeynu qabyaaladaynaynaa.Nin hebel la yidhaahdo oo weyn, qarankana wax u soo qabtay. Dugsi yar oo xaafadooda ah ayaa loo bixiyaa ama mid yar oo uu adeer u yahay ayaa taariikh ka qoraaya, markaas baa la odhanayaa caawana buugii hebel ayaa la soo bandhigayaa. waa buug  qabyaaladaysan. Maxamuud Axmed Cali, Timacade oo kale.Waxa weeye in wixii lala cararin ee nash-nal (National), loo eego. Inta aynu gar-garka wax u doonayno, haddaynaan wax inaga dhaxeeya oo weyn yeelan.Gargaarka, Qabyaalada iyo quudhsiga kama baxayno.hadaynu aamisanayn in dawlada la wada leeyahay, dee meel yar oo kale ayuu ku cararayaa. Haddii wax la wada leeyahay la waayo. Dadku dee heshiin mayaan.”sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.

Hase, yeeshee Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkan marka uu jeedinayey in loo bahaan yahay dawlad iyo wax la wada leeyahay,balse labadiisa garab waxa taagnaa oo barbar taagnaa Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko iyo Taliyaha Nuux Taani oo isku beel yihiin Muuse Biixi, gaar ahaan Muuse Biixi, Taliyihiisa Nuux Taani iyo Cabdiraxmaan Soltelko dhamaan waa Sacad Muuse. Markaa Muuse Biixi Cabdi, ma caqliga dadka ayuu cayeyaa, mise waxbaa ka si ahaa hadalkan markuu jeedinayey Muuse Biixi taladan iyo waanadan uu u soo jeedinayey shacabka Somaliland?

Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here