“Qabyaaladi Soomaali waashay ayuu Askari qabsaday (Kornayl Muuse Biixi), Janan wanjalanoo…”

0
529
Muniir Axmed Cigaal

Hargeysa (Baraarugnews.net)-“Cajiib: Waar imanka Madaxweynahayagii go’aanka adkaa ee “Saraynta sharciga ololaha ku galay maxaa ku Dhacay”. ? La hubsayoo Gorayo Haad ayay noqotamay miyaa? Warfaafintii masuuliyiintii eedaysana qaarna ku dhici waayay kuwana markii Rer Nuur ii hanjabay ayaan Iska sii daayay… Rer Nuur iyo Rer Cali toona maba hanjabeen haddii ay cadaalad arkayaan oo Guri-Barwaaqo Laga bilaabi laha.. Musuq maasuq lama dagaalami karo oo Hartigii Wasiiradoodi car taabta ayay ku goodiyeen, cid danboo la eedayn karana ma jirto ileen Dadku waa isku mide.. Doorashooyin ku dhici waayay oo waan la baqay go’aankaygii aha inay laba Xisbi doorasho galaan..

Misana Koomiishankan qolka madaw shirka jaraaid ka soo qabanayaa anaa leh jooga oo ku dhici waayay inaan kala diro. Misana Oday Cali Khaliif ku dhici waayay inaan dhinacuun ugu talliyo oo wuxuu watay amma diido amma yeelo, misana ku dhici waayay inaan Dadkii iga qaybsamay mideeyo oo cadaalad ugu arimiyo, misana tallo iyo tusaale ku dhici waayay inaan Ahlu Caqli wal-xalkii Somaliland wax ka dhagaysto.. Sinaba ma ogoli.. Sidaas ayaa ah saraynta sharciga… Nin Ganacsatada ugu waa wayn Dalka kamid ah oo aanan hadda sheegayn Magaciisa ayaa isagoo la dhacsan waagi ololahu socday la yidhi Muuse Biixi muxuu kaga duwanyahay Murashaxiinta la ordaaya isagoo la murqaansan ayuu yidhi “ 1969-kii iyadoo Qabyaaladi Soomaali waashay ayuu Askari qabsaday, 10-sanno ayay Tawradii 21 October Ummaddaba jihaysay maantana Muusa Nin adag ahoo isagaa gacan bir ah ku qabanaaya “. Jinbaa u waramay malaa ileen Wuxuu Xajigaasi sheegaayay ilaa hadda ma haynee… “Ciridkaan arkaayo Ilko kama soo jeedaan..

”Hadba Janan wanjalanoo

Dhulka laga wandaafshoo

Cirka looga webiyoo

Cidla dhex walhanayoo

Wedku deydeyaayaan

Waa kan waa kan leeyahay.”Hadraawi maansadii Wariyaha Socdaalka..

Waynakaa haddaba waynakaa..

Tusan.”sidaa ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here