QALBI DHAGAX IYO AMIIRKII CAADILKA AHAA

0
146

Aduun waa sheeko iyo taariikh hore u dhacday iyo mid aad goob joog adoo ah dhacday.Dalkeena waxaa lawada ogsoon yahay in uu mudo ku dhawaad nus qarni ah uu ahaa dawlad la aan,tanoo sa hashay in kolkii lawaayay sharcigii iyo kala danbayntii dawlo,uu adeegtay ninkii xumaa sokeeye ah soomaali iyo shisheeye cadaw inoo ah intaba.

Waana wax caadi ah oo taariikhdu ina barayso kol hadii la waayo,dawladnimada oo dadku helin sharci iyo wax kaa qabta,waxaa dhacaysa in ninba kuu ka xoog badan yahay maalintaa dilo,oo dhaco,oo kufsado.waxaa dhacaysa in shisheeye nasoo dhex galo majaraha nooqabto yeelo siduu doono. hadaba tani waxay keentay in dadka soomaaliyeed shisheeye yimaado iibsado caruurta soomaaliyeed qaarna ku qaato si lacagba aan ahayn,waxaad wada ogsoontihiin in inkabadan mar iyo lababa la qabtay caruur gabdho ubadan oo mukhalasiin soomaaliyeed wadeen,oo laga dhoofinaayay somaliland iyo puntland halkaas oo lagu qabtay.

Inta aan laqaban tiro badanaa!! waxaa dalkeena lagu xasuuqay oo inaga soomaalida ahi isku wadnay gumaad iyo gawrac aan loo meeldayin mudo aad u dheer. col iyo abaar ayaan is galinay aan rabigeen ina galin. dilka iyo xasuuqa shacabka soomaaliyeed ku socda iyo sida mudo dheer loogu dhiibaayay ethiopia muwaadinka soomaaliyeed way tiro beeshay.

Wax cusub ma aha in dad soomaaliyeed qabtaan oo lacag ku iibsadaan nin soomaaliyeed.hadaan usoo noqdo arimaha QALBI DHAGAX waxaa soomaalidu ka dharagsan tahay,in wali dalkeenu lahayn dawlad xoogan oo soo celisay kala danbayntii sibuuxda,walaw dawladihii dalkeena mudadaas soomaray ama ha ahaadeen kuwo ku meel gaar ahaa ama ha ahaadeen kuwo kabaxay ku meel gaarkii oo ay udanbayso tan hada jirtaa,kuligood waa dadaaleen waxna waa qabtaan,laakiin wali ma dhicn in dalka sibuuxda dawladu u hanato oo lasugo amanka guud ee bad iyo bari iyo cirba iyo sugida nabad galyada muwaadinka soomaaliyeed.

Heerkaa wali maynaan gaarin waase u dhawnahay hada. hadaan intaa ka gudbo.Dalkeena waxaa u kacay Madax leh dareen wadaniyad niyad samaan wax qabad dhab ah oo si xawli ah mudo yar dalkeenii ku gaarsiiyay meel aan laga filayn,dhanka amaanka iyo xasiloonida siyaasadeed iyo sumacada guud ahaan dalkeena ee caalamka. adoo ka cabir qaadanaya sida dalkeenu ahaa madaxda maanta kahor waxaad ogaanaysaa in lagaaray hormar wayn oo dawladnimo dhanwalba.

Hayeeshee oran mayno wax walba waa inoo hagaageen balse waxaan leenahay dadaalkaa waa in lasii laban laabaa. hadaba hormarkan waxaa uugu wayn ee keenay waxaa weeye soomaaliya oo heshay madaxweyne caadil ah Mudane Muxamed Cabdullahi Farmaajo oo ah nin isku kalsoon jecel dalkiisa diintiisa iyo dadkiisa soomaaliyeed. waa madaxweyne aamin ah tani waxay keentay in uu inoo soo xulo raysal wasaare sidii hore inoogu balan qaadayba isaga ka fiican waana aragnay oo haynaa maanta.

Raysal wasaare khayre waa nin leh haybad hogaamin kalsooni hawl karnimo iyo wadaniyad buuxda oo dhamaystiran dhan walba. xukuumadu way kasoo dhalaashay shaqadeedii iyo mid ka badanba intii laga filaayay. waxaynu haysanaa madaxwanaagsan maanta.

Xasuusin waxaa jira dalkeena in Ethiopia iyo dawlado kalaba ku dhex samaysteen dad soomaali ah oo ku jira siyaasada iyo bulshada dhexdeedaba oo fuliya danaha iyo u jeedooyinka cadawga.kuwan oo ah daba dhilifyo dalkooda iibsanaaya iyo dadkoodaba iyagoo eeganaayo shilimaan shisheeye siiyo oo kaliya.

Waxaan wada ogsoonahay in QALBI DHAGAX mudo dheer ku noolaa dalkeena oo uu joogay MOGDISHO cid rabtay iyo cid dan kalahayd midna majirin,laakiin waxaa loo baahday markii la doonay in madaxwaynaha umada soomaaliyeed markii la arkay sida ay u jecel yihiin shacabka soomaaliyeed,sida looga soo dhaweeyay doorashadiisii dal iyo dibadba,in loo raadiyo xeelad iyo munaafaqad lagu wasakheeyo sharafkiisa si mugdi loo galiyo kalsoonida shacabkiisu u hayaan iyo jacaylka ay jecelyihiin.

Arinta oo ay adeegsatay ethiopia iyo xulafadooda ayaa u dirtay dabadhilifyadii u adeegi jiray. daba dhilifyadu markay qabteen QALBI DHAGAX dawladeenii oo aan hadal ayaa Dawlada ethiopia ku dhawaaqday in lahayo qalbi dhagax loona soo dhiibo. Ragii qabtay ee fulinaayay hawshaan ethiopia udirtay ayaa qabasho kadib bilaabay oo hin iyo qaylo dhaan iyagoo leh dawladii soomaaliyeed iyo madaxweyne FARMAAJO ayaa ethiopia u dhiibay muwaadin soomaaliyeed!!

Nimankii qabtay ayaa durbaan baroor bilaabay soomaaliyeey kacaay iyagoo meesha kasaaray in Madaxweyne Farmaajo yahay nin laga baqo waayo waa hogaamiye caadil ah tana waxaa kasa uun nin leh diin iyo iimaan iyo wadaniyad. halkay is lahaayeen sumacadiisa wax yeela illaahay waxa uu  usii siyaadiyay sharafkiisii iyo karaamadiisii iyo awoodiisiiba.

Waxaana umadii soomaaliyeed u cadaatay intay qodantahay dhagarta ethiopia oo ah dadkay inagu dhex abuuratay xiligii dawlad la aanta.dhagarta kuwa u shaqeeya shisheeyaha oo dawlad diidka ah oo banaanka timid.

Maantana waxaad arkaysaa kuwii shalay dhiibay QALBI DHAGAX oo aad uuga naxsan isagoo nool oo xor ah!! waxayna farax u tahay iyo markhaati cad ninkii lagu nabay qalbi dhagax ayuu dhiibay oo illahaay hortii bari ka ahaa arinkaa dhagareed iyo shirqool. ninkii oo nool ayaa maanta jooga oo sifiican u og ragii qabtay iyo qaabkii loo shirqoolay intaba.

Naxdinta munaafaqa haysa maanta waa tan keentay in uu afka furto oo dadkii soomaaliyeed ka soo dhex baxo oo uu yiraahdo QALBI DHAGAX waa lasoo daayay laakin dawladu ma soo dayn!! dhagar qabe dhulkaa u dhaq dhaqaaqa,waxaa layska rabaa meeshii aad gali lahaydeen?

Sida illaahay u ilaalinay madaxweynaheena dadka cilmiga lihi way fahmayaan iyo xikmadan cad ee ayada ah.suuratul baqara eeg ninkii ladilay ee kii dilay inkiray,reer banii israil,wuxuu yiri sacaa hilibkiisa qaada oo ku dhufta maydka,hadii layeelay maydkii oo soo kacay oo sheegay ninkii dilay. awooda rabbi ayaa layna tusayaa iyo xaqa.

Eeg markii nabiyullaahi yusuf caleeyhi salaam,haween shirqooleen,xabsiga lagu haayay laga siidaayay,wuu diiday in uu cafiskaa kusoo baxo,xikmadoo ah in lays waydiiyay horta maxaa keenay in uu xabsiga galo maba xuma in laga sii daayee? taasoo la hufay oo lacadeeyay in uu bari ka ahaa waxa lagu xiray ee danbiga looga dhigay. sidaas ayaa illaahay adoomadiisa la nabsado u bad baad shaa oo ku been abuurashada uga dulqaadaa.

Maanta madaxwaynaheena caadilka ah wataa kacday karaamadiisii oo illaahay u hiiliyay,oo na horkeenay QALBI DHAQAX oo cadeeyay cidii qabatay qaabkii loo qabtay ragii fuliyay iyo ragii kadanbeeyayba shirqoolkaas iyo u jeedadii laga lahaa intaba. tani waa ayaadka illaahay adoomadiisa suub suuban ku bari yeelo.

Dhagartii cadawga iyo daba dhilifku,waxay ahayd in lanabo oo lasumcad dilo madaxweyne farmaajo oo ah adoon illaahay karaameeyay,kadibna shacabkiisa laga horkeene.Haday intaasii dhacdana kolkaa dawlada soomaaliyeed noqoto mid meesha kabaxda oo dalku markaa iska ahaado fowdo iyo dib u dhac hor leh taasoo ah cadawga iyo dawlad diidka hadafkooda u danbeeya. waxay maleegeen in dalkeenu uu san helin dawladnimo.

In alaale iyo intii lug ku lahayd danbigaan iyo shirqoolkaan qaran,ee loo soomaray qabashadii QALBI DHAGAX waa inta maanta qaylinaysa ee joogi waysan,shacab iyo dawlad dadka soomaaliyeed intiisa kale waxay arkaan fahan san yihiin in ay tahay khayr in ninkaa miskiinka ah ee lagu qamaaray uu badbaaday maanta iyo in dawlada soomaaliyeed ka qaadatay sii dayntiisa kaalin buuxda oo dawladnimo iyadoo kuman yaalo soomaaliyeed ka sii daysay xabsiyada ethiopia iyo hindiya iyo liibiya iyo dalalkalaba,waana arin ay ku mahad santahay dawladeenu.

Nabigeenu caleeyhi salaatu wasalaam,wuxuu yiri Maqla oo adeeca madaxwaynihiina.qofka madaxda ah hadana caadilka ah isagu warkiisu waa mid wayn oo gaara xaga illaahayna wax wayn baa u yaala,maalinta qiyaame todobada carshiga hoos kiisa harsanaysa waxaa kamid ah madax caadil ah.Aduunkana karaamo ayuu lee yahay markaa waa la dhawraa arimihiisa si gaara.

Madaxweyne farmaajo waa nin dad iyo qoys aad u wanaagsan ka dhashay,waa nin xalaal kusoo koray,waxaana dhalay wadani wayn oo xoriyada dalkeena usoo huray naf iyo maalba.Madaxwey naheenu waa nin ehlu diin ah oo salaada aan fooda ka qaadin,waana nin aad u akhriya quraanka kariimka.Waanin soomaaliya la doonaya nabad iyo nolo.wallaahi iyo billaahi ninkii ka hari waaya ee isku taaga imaamkaa caadilka ah adunkii korkiisa ayaa illaahay ku fashilayaa,isaga iyo firtiisuna waa dabar go ayaan.wali illaahay weeye aan qof danbi ka galin aqoon qabyaalad iyo eex midna.

aakhiro intaan la gaarin aduunkuu ku hoogayaa shaydaan iyo munafaq kasta oo isku taaga Madaxweyne farmaajo. illaahay dulmiga majecla wuuna xarimay. madaxweynaheenu,markii la nabay wuu iska aamusay waana calaamooyinka awliyada illaahay. bal waxaad dib u baadhaan nooca iyo qaabka ay u yaalaan iyo halkay ku danbeeyeen kuwii dawlad diidka ahaa ee isku taagay madaxweynahaa caadilka ah farmaajo.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here