Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Khatarta Dagaalka Ka Socda Magaalada Muqdisho

0
60
Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Khatarta Dagaalka Ka Socda Magaalada Muqdisho
Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Khatarta Dagaalka Ka Socda Magaalada Muqdisho

Muqisho,(Baraarugnews.net)-Qarramada Midoobey ayaa Ka hadashay xaalada dagaalka ka socda dalka soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Qaramada midoobay ayaa war-murtiyeed war deg deg ah ka soo saartay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka soo cusboonaaday ee Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka.

“Bahda Qarramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn ayaa lagu yiri” Qoraalka ka soo baxay Qarramada Midoobay.

Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in marnaba xabadda aysan xal u noqoneyn ismariwaaga siyaasadeed ee taaggan, waxaana dhinacyada iska soo horjeeda ay ugu baaqday in ay is xakameeyaan.

Saacadihii magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogag taabacsan mucaaradka oo ka soo horjeeda muddo korarsiga dowladda hadda jirta.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here