Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Tiradda Dadka Ku Barakacay Dagaalka Tukaraq Iyo Telifoon  Kula Hadleen Muuse i Iyo Gaa s &Todobaadkan Madaafiic Iyo Rasaas Isku Rideen Ciidamada Somaliland Puntland

0
750

Muqdisho, (Baraarugnews.net)-Qaramada Midoobay, ayaa ka hadashay saameynta uu keenay dagaalka ka dhacay deegaanka bariga Gobolka Sool.

Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk, ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq  ay ku barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof. Isla markaana Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee Somaliland iyo maamul-goboleedka soomaalita ee Puntland ee isku horfadhiya deegaankaa in ay ka fogadaan gacan ka hadalka dagaal mar kale ka dhex-mara oo keeni karta qalalaase bani’aadanimo oo ka dhaca deegaanada ku teedsan bariga Gobolka Sool ee Tukaraq“Ugu horayn Gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo, sidaasi darteed wali waxa ay ka mid yihiin meelaha ay colaadaha ka jiraan. khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan 12 Kun oo qof, kuwaasi oo ay Hay’adaha gargaarka ay daryeelayaan, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada inay aysan colaad kale hurin, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa qalalaase kale,” Sidaa ayuu yidhi Peter De Clerk.

Wuxuu intaa ku daray Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya, waxa uu sheegay in dad dhawr ah ay ku dhinteen kuna barakaceen colaada haatan taagan oo  ka mid yihiin dad rayid waxaanuu yidhi.“Xaalada haatan way kacsan tahay waxaana fahamsanahay inay sii kordhayaan tirada ciidanka ku sugan deegaankaasi, waxaa jirtay in rasaas la is weedaarsaday isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin khilaafka weyn ee aan ka casbi qabno weli ma dhicin, waxaana colaada ka dhalan karta xaalad halis ah.”

Waxa kale oo uu sheegay Ergayga Peter De Clerk inay telefoonka kula hadleen Madaxda labada maamul ee Madaxweynayeyaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland Cabdi weli gas,waxaanuu tilmaamay in dadaalkooda  qaramada midoobay halkaa ku eekayn , laakiin magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe uu tagay, sidii loo sii wadi lahaa xabad joojinta, inkastoo xabad joojinta aysan ahayn mid rasmi ah ayuu sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay soomaaliya.

Cabdifataax Ismaaciil Caarshe Baraarugnews.net Caarshe7@hotmail.con


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here