Qaramada Midoobay Oo Wel-wel Iyo Walaac Xoogan Ka Muujiyey Xaalad Khatar Ah Oo Ku Soo Wajahan Nolosha Shacabka Gobolada Sool Iyo Sanaag &Dagaalo Ku Soo Fool Leh

0
820

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-war-bixin ay hayadda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qadhaadh bixiyaasha arimaha gargaarka bini’aadan-nimo, ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalad khatar ah oo wajahayaan haweenka iyo caruurta ku nool deegaanada Gobolada Sool iyo Sanaag ee bariga Somaliland,isla markaana waxa warbixintaa lagu sheegay in deegaano ka tirsan Somaliland dagaalo ku soo fool leeyihiin oo cabsi badani ka jirto inay dadku ka qaxaan.Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duba ridka qaadhaanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo ama la yidhaahdo OCHA ayaa shaacisay in gobolada Barriga Somaliland ee Sool iyo Sanaag maamulkooda lagu muransan yahay, isla markaana la filayo inay ka dhacaan dagaalo iyo iska-hor-imaadyo dagaal ka bilaabmaan, taasoo shacabka halkaa ku nool wajahayaan xaalad khalafsan oo nololeed.

Warbixin ay hay’adda OCHA soo saartay bishan oo cinwaan looga dhigay Qorshaha Sool iyo Sanaag ee ka jawaabida iyo xalka xaalada degdega ah” ayaa lagu sheegay in shacabka ku nool degmooyinka gobolada Sool iyo Sanaag oo u badan dumar iyo carruur ay wajihi doonaan xaalado darran oo bani’aadminnimo, loona baahan yahay sidii loogu diyaargaroobi lahaa taageeradooda.

Hay’adda OCHA oo u xilsaaran isku-duwidda Qaadhaanka la siiyo Somaliland iyo Soomaaliya, kana madax-bannaan arrimaha siyaasadda ayaa warbixintan ay soo saartay meel ka dhac ku noqonaysaa sharafta shacabka Somaliland iyo xuduudaha dalkooda ee dastuurku caddeeyey. Waxaana warbixintan ka muuqda Map ay samaysay hay’addani oo gobolada Sool iyo Sanaag ay ku raacisay maamul goboleedka Puntland.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Somaliland ku doodayso in gobolada Sool iyo Sanaag ku yaaliin gudaha xuduudahii maxmiyadii Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana wakhtigan qeyb ka yihiin xuduudaha Somaliland, halka maamulka Puntland ku doodayso in bulshada ku dhaqan deegaanada Sool iyo Sanaag ay isku qabiil yihiin, sidaana ku hoos yimaadaan.

Shan degmo oo ka tirsan Sool iyo Sanaag, oo shan boqol iyo soddon kun oo qof ay ku nool yihiin, ayey sheegeen in ay halista ugu weyni soo wajahayso boqolkiiba todobaatan (70%) dadkaasi ka mid ah oo u badan dumar iyo carruur.

Warbixintan ayaa lagu sheegay deegaano ay saadaalinayaan in bulshada degan degmooyinka laga bara-kici doono oo ay dadkaasi ka qaxi doonaan, taasina si cad u muujinayso inuu jiro qorsheyaal qarsoon iyo dabino cadowga Somaliland maleegayaan oo muujinaya in dagaalo laga qarxiyo deegaanadan.

Halista ugu badan ee warbixintan ku yeelanayso siyaasada Somaliland ayaa noqonaysa inay abuurto shaki bulshada gobolada iyo guud ahaan dalka in dagaalo ka bilaabmi doona deegaanadaa, taasoo saamayn tabban ku yeelan doonta xaalada nabadgelyo ee guud ahaan dalka iyo wadajirka shacabka, hadaan degdeg talaabada ku haboon hay’adaha xukuumada ee qaabilsan uga guddan.

Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here