Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Qaraxan oo ahaa nooca lagu rakibo gaadiidka ayaa goor dhaw ka dhacay Isgoyska KM4, ilaa iyo haddana laga oga cida watay gaariga, iyadoo la tuhusan yahay in dadkii saarnaa ay ku dhinteen.
Goobta uu gaariga lagu qarxay ayaa waxaa waqtigaa ku sugnaa Gabdho goobta ku iibinayay Qaad, kuwaa oo isaga cararay kaddib markii ay meel fog ka arkeen gaariga oo qeyb ka mid ah gubanaya.
Gaariga ayaa gabi ahaanba goobta ku basbeelay, lamana garanayo tirada dadka saarnaa gaariga ee wax yeeladu soo gaartay