Qiyaamada Muusi Biixi iyo kulmiye maleegayo mar kale &khatarta ku soo wajahan reer Somaliland

0
60
muuse Biixi oo wajalaad u diyaariyey

Hargeysa (Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha xisbi-xaakimka kulmiye ahna madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha maxamed kaahin Axmed,ayaa qorshahoodu wuxuu yahay inay ka soo baxaan Guddoomiyaha aqalkaqalja  Golaha wakiilada iyo maayarada degmooyinka dalja Somaliland intooda badan uu ku guulaysto xisbiga Kulmiye.isla markaana sababaha keenly ayaa ah in wax mucaarid ah oo xukuumadiisa aan yeelan oo golayaashuna noqdaan qaar taageera xukuumadda muuse biixi.

Komishanka haatan jooga ayaa qabanaya doorashada goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka.

Ucid: Haddii Kulmiye Xubin iigu kordhiyo xubintii hore aan kulahaa komishanka anigu waan ogolaaday waxaanan Xukuumadda Kulmiye ku taageerayaa in doorashada lagu aamino 7-dii Xubnood ee komishanka.

Waddani: Tan koowaad Sababta Kulmiye ku doonayo in Komishankii fashilmay doorashada labbada gole u qabtaan oo ah in mar kale loo boobo rabitaanka shacabka oo ay helaan 80 xildhibaan oo Golaha Wakiiladda ugu adeega una fududeeya dantooda iyo inay helaan goleyaal degaan oo aqlabiyada iyo Maayarada Lixda caasimaadood ee lixda gobolba ay ku helaan hiilka iyo musuqmaasuqa komishankani ku caan baxay.
Tan labbaad in Kulmiye shan xubnood keligii lahaado halka labbada Xisbi ee Mucaaradku uu doonayo inay min labba xubnood ku yeeshaan.

Kulmiye iyo Ucid wuxuu Gudoomiyaha Waddani Dr Cirro sheegay inay u aqoonsan doonaan hal Xisbi oo labba magac leh.

Xisbiga Kulmiye waxkasta waxa uu u hurayaa dantiisa oo ah inuu helo Xukuumad, Gole wakiilo iyo Goleyaal deegaan oo ku shaqeeya rabitaanka Madaxweyne Biixi, halka Xisbiga Ucid iyagu taagan yihiin awalba Codka shacabka Somaliland iyo Rabitaankooda taageero kamaanu haysan qaybna kumaanu lahayn.

Ugu dambayn maalinta beri ah ayaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, ku dhawaaqi doonaa inuu la aragti iyo mawqif yahay Xisbiga Kulmiye iyo in Madaxweyne Biixi u ogolaaday in labbada xisbi hal hal xubin loogu daray labbadoodi xubnood ee hore.

xigashi Wariye Teero


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here