Qodobada Heshiiska Labada Dawladood Ee Soomaaliya Iyo Ereteriya “Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna..”

0
447

Ereteriya, (Baraarugnews.net)- Dawladdaha soomaaliya iyo Ereteriya, ayaa kala saxeexday heshiis laba geesood ah oo ka dhacay dalka Ereteriya.

Qodobada Heshiiska ay galeen ereteriya iyo soomaaliya ayaa kala ahaa sidan:

  1. Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna

leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah.

Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

  1. Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan

lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

  1. Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.
  2. Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo

horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com

 

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here