“Qof Wal-ba Oo Tigray Ah – Mid Hubeysan Iyo Mid Aan Hubeysneyn-ba – Wuu La Dagaallami Doonaa. Xitaa  Mindiyo Iyo Waramo Ayaanu…’

0
61
“Qof Wal-ba Oo Tigray Ah - Mid Hubeysan Iyo Mid Aan Hubeysneyn-ba - Wuu La Dagaallami Doonaa. Xitaa  Mindiyo Iyo Waramo Ayaanu…'

Tigray,(Baraarugnews.net)- Madaxweynaha maamul-goboleedka iyo Hoggaamiyeyaasha Tigray ayaa jawaab kasoo saaray 72 saacadood oo ay dowladda Itoobiya ugu qabatay inay isa-soo dhiibaan.Isla markaana Xilli uu sii xoogeystay dagaalka culus ee ka socdo waqooyiga waddanka Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, ayaa xoogagga gobolka Tigray iyo madaxdooaba siiyay saddex maalmood oo kama dambeys ah si ay hubka u dhigaan dowladdana gacanta ugu soo galaan.

Haddalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday sheegashadii dowladdiisa ee ahayd inay tiro aad u badan” oo ka mid ah ciidamada jabhadda Tigray isu soo dhiibeen, inkastoo sheegashadaas aan si madax bannaan loo xaqiijinin, isgaarsiinta go’an awgeed. Balse jawaabta la wada sugayay ee siyaasiyiinta majaraha u haya Tigray-ga ayaa noqotay mid aysan dowladdu ku farxi doonin.

“Waxaan leennahay shuruuc aan ku dhaqanno iyo mabaadii”, ayuu yidhi hoggaamiyaha jabhadda la magacbaxday Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Tigray, Debrestion Gebremichael.

Farriin uu soo diray ayuu kusheegay inuu ku gacan seyray yabooha amarka dowladda dhexe, wuxuuna wacad ku maray inuu dagaalka sii wadi doono.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada TPLF ay naftooda huri doonaan, taasina ay lagama maarmaan tahay.

Sarkaal kale oo ka mid ah madaxda Tigray ayaa isaguna sheegay in qof walba oo Tigray ah – mid hubeysan iyo mid aan hubeysneynba – uu la dagaallami doono milatariga dowladda dhexe.

Getachew Red ayaa sheegay in dagaalka ay ku gali doonaan ‘xitaa mindiyo iyo waramo’.

Dhammaan farriimaha ka imaanaya magaalada caasimadda u ah gobolka Tigray ee Mekelle waxay sheegayaan in dagaalka dhiigga ku daadanayo ay u badan tahay inuu sii socdo.

Waxaa la qiyaasayaa in boqollaal qof ay ilaa hadda ka dhinteen labada dhinac ee uu u dhaxeeyo dagaalka, oo hadda galaya isbuucii afaraad.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here