“Qoladii Baarlamaanka 15 sano joogay waanu ka fujin kari lanahay Kursigii.Ciddiyaha Ayey ku dagaalamayaan Oo…”Gudd. Cirro

0
134

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa xilkii u kala wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee garabka dhalinyarada ee maanta lagu wareejiyey xilkaas.”Taariikhda Somaliland Xisbiga WADDANI, waa xisbigii ugu horreeyey ee Garab Dhalinyaro Shirweyne u sameeya 2015kii, Xisbigu waxa uu koriyaa oo kaalin weyn siiyaa dhalinyarada, xilalka ugu baddan Xisbiga Dhalinyaro ayaa haysa ka soo baxday kaalintoodii, waxa aan u mahadnaqayaa Hoggaanka Garabka Dhalinyarada ee xilka wareejinaya, sida oo kale-na waxa aan soo dhaweynayaa hoggaanka cusub.Runtii waxa aan ku hambalyeynayaa Hoggaanka xilka ka degay geesinimada ay sameeyeen in ay iskood u banneeyaan xilka, waa taariikh Soomaalida iyo Afrikaba ku cusub , waxa ay sameeyeen dhiirannaan, waxaana ay mudan yihiin in lagu daydo. Asalkana Hoggaamintu waa qori isu dhiib.”sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here