Qurba-jooga Beelaha Garxajis Oo Ka Digay Dagaal Sukeeye Iyo Burbur Mar Labaad Ka Dhex-dhaco Shacabka Reer Somaliland  &Xukuumadda Muuse Biixi IyoDawladdii Cigaal

0
3357

“Beesha Ismail Sh. Isaxaaq  Garxajis, Waxaanu Ka Digaynaa Burbur Ku Yimaada Somaliland Oo Ifafaalaheedu Muuqdo. Taariikhda dib ha loo raaco oo yaan god hore loogu dhacay lagu sii socon. Tallo…”

Uk,(Baraarugnews.Net)-Qurba-jooga Beelaha Garxajis eek u nool Waddamaa Reer Galbeedka Ayaa Ka digay in qalalaase iyo burbur ku habsado iyo colaado dagaal sukeeye ka dhex-dhaco beelaha ku wada dhaqan deegaanka Somaliland, isla markaana waxay soo jeediyeen in Maaxweyne Muuse Biixi Cabdi xasuusnado wixii soo kala dhex-maray beelaha Habar-awal iyo Garxajis xilligii dawladii marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal.

Sidaa waxay ku sheegeen warsaxaafadeed iyo magacyadooda ku qornaa oo ay soo saareen nuqul ka mid ahna soo gaadhay Iimeelka Xafiiska Wakaalada Baraarugnews.com ee magaalada Hargeysa. Waxaanuu u dhignaa sidan:-“Hadaanu nahay Qurbajooga iyo Qolqoljooga Beesha Ismail Sh. Isaxaaq (Garxajis), waxaanu ka digaynaa burbur ku yimaada Somaliland oo ifafaalaheedu muuqdo. Dalka waxaa loo soo huray naf iyo maal. Waxaa ku naf waayay kumanaan halyay. Waxaa lagu heshiiyay in Dawlad loo dhan yahay la dhiso oo aasaaskeedu cadaalad iyo wax wada lahaansho yahay. Nasiib darro, intii Xukuumadihii Kulmiye ee Muuse Biixi dalka ka talinayeen waxaa muuqatay in wixii lagu heshiiyay laga baydhay. Waxa aan shaki ku jirin in xilalkii dalka, dhaqaalihii dalka, madaxdii ciidamada, mashaariicdii horumarinta, ilihii dhaqaalaha, deeqihii waxbarashada (Scholarship), iyo qandaraasyadii xukuumadu bixinaysay in reero gaar ah lagu taxay oo lagu naasnuujinaayo. Iyada oo intaasiba jirtay ayaa waxaa xukuumadii Kulmiye ku darsatay, cabudhin, caga juglayn, xadhigyo ka baxsan qawaaniinta dalka inay ku kaceen. Waxaa ka sii daran in nin buug ku qoray cayda hablaha birmagaydada ah uu ku helay xil Wasiirnimo. Intaas oo dhami waxay keenaysaa kicin iyo kala qaybin bulshada dhexdeeda ka bilaabanta. Mar haday dadku gadoodaan oo ay kacaan, cid xakamayn kartaa ma jirayso. Waxaanu si mug iyo miisaan leh ugu baaqaynaa in Madaxweynuhu wax ka qabto arimahan hoos ku qoran oo sal iyo baar u ah wada jirka iyo sii jiritaanka Somaliland;

In xilalka iyo khayraadka dalka loo sinaado.

In Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Wacyi gelintu uu gubo buugan cayda iyo dhaqan xumadu ka buuxdo.

In Madaxweyne Muuse Biixi shaqada wasiirnimo ka qaado Ina Guri Barwaaqo. Waayo, ninkaasi nin Wasiir u noqon kara ummada Somaliland maaha.

In inanta xidhan ee Naciima Qorane oo muddo ka badan laba bilood xidhan oo ilaa imika aan Maxkamad la keenin, una xidhan fikirkeeda oo qudha si dhakhso ah loo sii daayo. Dastuurka aynu ku heshiinay melena kagama taalo in dadka lagu xidho fikirkooda shakhsiga ah.

In Shirkada Telesom ee lugaha loo qabanaayo shirkadaha kale ee ay tartarnka ganacsi ku wada jiraan, faraha laga qaado. Sida Dastuurka ku taala, waa inuu suuqa ganacsigu noqdaa mid xor ah oo aanay Xukuumadu cid gaar ah kooto ugu xidhin.

Cidii lunsatay lacagtii biyo balaadhinta caasimada ee Hargeisa oo xadigeedu dhamaa $153,000,000.00 ee Xumbaweyne waa in Maxkamad la soo taagaa.

Hadaba, iyada oo cadaalad darradu wada haysato beelaha Somaliland, hadana intaas oo dhacdo ee aanu sheegnay waxay ku waajahan yihiin beesha Garxajis oo la bar tilmaameedsanaayo. Ummada waxaa deeqda cadaalad, hadii la waayana la is xukumi maayo. Waxaa waajib ka saran yahay inay cadaalada iyo ilaalinta shuruucda dalka sugto, cidda marba xukunka haysa oo uu ugu sareeyo Madaxweynuhu.

Taariikhda dib ha loo raaco oo yaan god hore loogu dhacay lagu sii socon. Tallo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo.

Wabillahi Tawfiiq

Waxaa baaqan diraaya ragga hoos ku qoran;

Eng. Abdillahi Hassan Amay

Dr. Osman Omer Dool

Ahmed Abdi Hussein Indhogamuun

Muj. Saeed Mohamed Yusuf

Mohamed Abdillahi Essa

Yasin Sulaiman Mohamed

Ahmed Dualeh

Mohamed Saeed Warsame

Ali Hassan Dualeh

Khadar Ismail Elmi

Abdirisaq Haji Dahran

Hussein Ahmed Guun

Mohamed Elmi

Muj. Ahmed Ali Abdi (Oday)

Mustafa Ismail Ahmed

Mustafa Ali Gaagaab (Jaylani)

Jamal Muse Ismail

Mohamed Ismail Bahilawe

Hussein Osman Dhuux

Abdi Nabadiid Warsame

Hassan Ali Gaagaab

Ibrahim Osman (Jeeni Foodcade)

Mohamoud Abdi Ahmed

Ahmed Mohamoud Ismail

Eng. Abdi Omer Sudaani

Mubarak Omer Ibrahim

Muj. Adam Mohamoud Farah (Sikaawi)

Mohamoud Mohamed Kaahin

Abdi Ibrahim Maax

Muj. Ali Mahir Jama

Fuad Osman Muhumed

Muj. Faisal Abdillahi Abdi

Mohamoud Casayr

Mohamed-Nageeb Ibrahim Ahmed

Jamal Adam

Adam Mohamed Ibrahim

Mohamed Nour Adam

Eng. Ahmed Sh. Omer Hussein

Mohamed Yusuf Amay

Ahmed Yusuf Jama

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here