“Ragg waxaan Nin u Aqaana Cidda Lafaheena Kala Badbaadisa.“

0
682

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan madaxda xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay dhacdooyinkii iyo sooyaalkii siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha ku dhaqan gudaha somaliland u soo mareen fuulida kursiga madaxweynimada Somaliland.

Muniir Axmed Cigaal oo qoraal uu kaga hadlayo hadalkii Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiinta xukuumadda Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye aadka uga qayliyeen ku baahiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuugiisa oo ka soo xigatay qoraalkaa wakaalada Baraarugnews.net ee xafiiskeeda magaalada Hargeysa ayaa u dhignaa sidan:- “Hal adayga WADDANI ha la yaabin Maandhow, jawaabida Guddoomiye Cirro ee ay safka u soo galeen reer Tolkay iyana sax maha.

2001 markii Jamhuuriyadda Somaliland u guurtay nidaamka Axsaabta badan Inta xasuusata ee siyaasadda ehelka u ahi waa ogayd wixii Dalka Somaliland ka socday, ururkii ASAD oo uu Guddoomiye ka aha Saleeban Maxamuud Aadan Guddoomiyaha guurtida ee hadda afhayeena uu ka aha Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka arrimaha gudaha ee maantu, wuxuu tageerada ugu badan ka haystay beesha Bariga Burco, maalintaas ururkii ASAD meel ka daran halku WADDANI taagan yahay ayuu siyaasadda ka joogay, wuxuu diiday inuu koomiishankii doorashooyinka u hoggaansamo oo uu is diwaangaliyo, wuxuuna ku baqaay shir beeleed in lagu kala baxo, waxa ku raacsana dhammaan Saladiinta Habarjeclo. ASAD waxay ku doodaysay in Dastuurka, maxkamadaha, iyo haykalka dawleed ee Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal hoggaaminaayay ahayd shaadh Nin toshay oo aan doorasho xor iyo xalaal ah lagula gali karin.

Wakhtigaas waxa Saleebaan Maxamuud Aadan laga guntay “Ragg allow waxan nin u aqaana cidda lafaheena kala badbaadisa “. Madaxweyne Cigaal isna waxa laga guntay isagoo la hadlaaya Saladiinta Habarjeclo iyo ururkii ASAD “Si qaawan ayaynu u wada hadli doona”.

Iyadoo halkaas taagan ayuu Madaxweyne Cigaal alle oofsaday May 3, 2002-kii. Maanta haddii uu WADDANI cadaalad darro tirsaday oo uu yidhi Koomiishan doorsho oo aan dhex ahayn doorasho noo qaban maayo, haddii uu mashariicdi humaaga ahayd dalbaday in Ummadda loo cadeeyo ma dayrkii maka ayuu gubay, maxa maalintaas oo kaarka kursigu Beeshayda shidaayay ay rer u noqon wayeen maantana uu WADDANI rer u noqday, ma saxba in ay 6 Masuul Cirro u jawaaban halka Beesha Habar Awal aanu qof qudhi Muuse Biixi ka difaacin eedihi Guddoomiye Cirro u jeediyay? Mayee sax maha WADDANI maanta ayuu mucaarid dhaba yahay waanan ku garab taaganahay anigu Guddoomiyahayga dhaliisha iyo hal-adayga Mucaaridnimo. Somaliland waxay Somaliland ku noqonaysa in aan laysu dawladayn Dalkana la kala yeelan, cid gaar ahi Dalkan uma soo halgamin mana laha, Soomaaliya ayaa lala socda iyo Cirro iyo rerkiisu waa Soomaaliweyn uu Wasiirkii Madaxtooyada ee hore Maxamuud Xaashi ku hadaaqayay iyo Madaxa ayaanu WADDANI dhulka ugu dhufanay oo wuxuu la dawakhsan yahay sidaanu Doorashadi uga xoognay waxan u arka hadal nacasnimo ah oo aan faan ahayn…

Aniga warkaygu waa kaas.

Tusan

Muniir Axmed Cigaal.
Birmingham/UK.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here